Wariye Aadam Samriye Oo Ay Ehel Dhaw Ahaayeen Hablihii Walaalaha Ahaa Ee Daadka Dooxa Awbarkhadle Qaaday Oo Dhambaal Tacsi Ah Nasoo Gaadhsiiyay
March 27, 2017 - Written by Berbera Today
Roma(Berberatoday.com)-Wariye Aadan Samriye oo ah wariye kucaan ah tabinta Ciyaaraha Aduunka iyo Kuwa Naadiyada Qaaradaha Aduunka ayaa dhambaal Tacsi Tiiraanye leh soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka Berberatoday.com
Wariya Aadam Samriye oo ay Ilmaabti dhaw ahaayeen Hablihii Walaalaha aha ee daadka Dooxa awbarkhadle Geeridooda sababay ayaa dhambaalkiisa Tacsida ah waxa uu ku Socodsiiyay Qoysaskii Iyo eheladii ay ka baxeen Labadaas Marxuumadood ee walaalaha ahaa Isaga oo sheegay inuu ehel dhaw ay isku ahaayeen Hablaha Geeriyooday ilaahayna uu uga baryayo inuu unaxariisto janadiisa Fardawsana ugu deeqo, Aadam Samriye Waxa uu sigaara Tacsi tiiraanyo leh ugu diray Caruurihii ay dhaleen Labada Marxuumadood Iyo Odayaashii qabay oo kala ah Mujaahid Faysal Axmed Xaaji Aadan(Faysal Madoobe)iyo Maxamed Awxasan Xaaji Aadan iyo waliba qoyska reer Maxamed Yuusuf.