Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Tacsi Udiray Ehelada Iyo Qoysaskii Labadii Hablood Ee Walaalaha Ahaa Ee Daadku Ku Qaaday Dooxa Awbarkhadle Kagan Sheekeeyay Aqoon Uu Ulahaa Marxuumad Foosiya Maxamed Yuusuf
March 28, 2017 - Written by Berbera Today
Boston(Berberatoday.com)-Inaalilaah Wa Inaa Ilayhi Raajucuun Aqoonyahan, Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa Tacsi Tiiraanyo badan hawada usoo mariyey qoyskii iyo qaraabadii ay ka Geeriyoodeen labadii Hablood ee Daad-ku ku qaadday Dooxa Aw Barkhadle oo Isniintii shalay lagu aasay Hablaha Sheedaha ee Magaaladda Hargeysa . Siyaasi Jamaal Cali Xuseen waxa si weyn ula murugooday, aqoon durugsan oo ay isku lahaayeen Ilahay Naxariistii janno labada Hablood-ba haka waraabiyeen, Marxuumad Foosiya Maxamed Yussuf, oo sida uu xusey iyaddu iska lahayd Gaadhii 1984 kii uu ku maro Dawga Sheekh.
Inaalilahi waa Inna Ileyhi Raaji-cuun Kula nafsi Daa’iqatul mawd, aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu boggiisa Facebook ku baahiyey qoraal kooban ku tacsiyadeynaayo qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii ay ka baxeen hablahaas Daad-ka Dooxu qaadday ee shalay lagu aasay Magaaladda Hargeysa. qoraalka aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa u dhignaa sidan.
“Geeridda qofka aad si fiican u garanayso way sii xanuun badan tahay. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun: waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska reer Maxamed Yuusuf (Dhegay), gaar ahaan Qoraa sare Sayid Axmd M Sayid Maxamed Yuusuf, iyo dhamaan reer Maxamed Yussuf geerida naxdinta leh ee haleeshay Asma Maxamed Yuusuf iyo Foosiya Maxamed Yuusuf oo galabta daad ku qaaday doox u dhaw Hargeysa. Waxaan shakhsi ahaan si fiican u garanayaa Foosiya Maxamed Yussuf marxuumadda oo ka shaqeyn jirtay dekadda Berbera Customska beri hore, runtiina marxuumadani waxay lahayd gaadhigii ugu horeeyey ee aan dawga Sheekh ka talaabiyo berigaan yaraa 1984 kii. Waxa aan labada marxuumadood Alle uga rajaynaynaa in uu godka u nuuriyo, u naxariisto, janaddina u fududeeyo, Samir iyo iimaanna ka siiyo qoys, qaraabe iyo dhammaan ehelka. Aamiin insha Allah”.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
Boston USA