Madaxweyne Siilanyo Iyo Waftigiisii Oo Berbera Kalahaad Kaga Baxay Saaka, Waftigii Imiraatka Carabta Oo Dib Loo Dhigay Iyo Shaki Ka Galay Xukumada Bulshada Deegaanka Gobolka Saaxil+Shaqaale Gadoodsan Oo Xalay Ku Hanjabay Inay Shaqo Joojin Iyo Mudaharaad Samayn Doonaan Hadaan Lacago Ka Maqan La Siinin
March 28, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo) habeenkii xalay Berbera uhoyday kadib markii Laga soo caydhiyay Deegaamada Sahaminta shiidaal Baadhista laga wado ee Bariga Iyo Galbeedka Gobolka Togdheer ayaa saaka Jarmaaday kaga Baxay Berbera isaga oo kusii jeeda dhinaca caasimada Somaliland ee Hargaysa Kadib markii habeenkii xalay saacadihii danbe la bedelay qorshe Madaxtooyada udagsanaa oo ahaa in Wafti ka imanaayay dalka isutaga Imiraatkla Carabta oo wasiirka Duulista Hawada Dalkaasi Saif Mohammed Al Suwaidi hogaaminaayay Madaxweynuhu Garoonka Diyaaradaha Berbera Ku Qaabili lahaa hase yeeshee Qorshahaas la bedelay ee Waftigaas ayay Madaxtooyadu ku wargalisay in xaalad soo korodhay awgeed Dib loo dhigayo Wakhtiga ay imanayaana gadaal laga soo sheegi Doono waa sida ay sheegayaa warar xogogaal ah oo aanu Aqalka Madaxtooyada Berbera aanu ka helay.