War Deg Deg Ah”Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Cod Bixiyayaasha Iska Diwaan Galiyey Somaliland Iyo Gobalada Ugu Codadka Badan Akhriso
March 28, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Komishanka doorashooyinka Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku dhawaaqay Tirada guud ee codbixiyayaasha isdiiwaangaliyay si ay u codeeyaan oo dhan 873,331 (sideed boqol todobaatan iyo saddex kun saddex boqol iyo sodon iyo kaw).
Komishanka ayaa sheegay in dadka codayn doonaa ay noqonayaa tirada qaadata kaadhadhka codbixinta ee oo la bilaabi doono 29/4/2017, iyada oo laga bilaabaayo Gobolada Awdal iyo Saaxil.
Tirada Gobolada waa sidan hoos ku qoran
Gobolka Maroodijeex: 312, 634 Qof
Gobolka Saaxil: 78,842 Qof.
Gobolka Togdheer: 178,506 Qof.
Gobolka Sool: 71,096 Qof.
Gobolka Sanaag: 85,222 Qof.
Gobolka Awdal: 147,031 Qof.
Wadarta guud ee dadka isdiiwaan galiyay guud ahaan Somaliland ayaa ah : 873,331 Qof.