Xog Rasmiya”Isku Shaandhayn La Filayo Soo Guryo Noqoshada Madaxwayne Siilaanyo Kadib Iyo Wasiirada Ay Sahayn Doonto+Kuwa La Magacaabi Doono
March 28, 2017 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Safar Madaxwayne Siilaanyo oo ku eekee Gobolka togdheer lana filaayo Saacadaha Soo Socda in uu soo guryo noqda ayaa ilo wareedo lagu kalsoon karo waxay Shabadada Taxanenews u tibaaxeen in Madaxweyne Siilaanyo uu u diyaar san yahay liis dheer oo ku saabsan isku shaandhayn laxaadleh oo la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyo xukuumadiisa gun ilaa baar maalmaha inagu soo aadan.
Wallow aan si rasmi ah loo ogaan karin xubnaha waayi doona xilalkooda iyo kuwa lagu bedeli doono sababta oo ah Madaxweyne Siilaanyo oo bedelay nidaamka xaga xogta ee isku shaandhanta uu sameeyo intii ka dambaysay Tagistii Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.