Golihii Wasiirada Ee Dawlada Xamar Oo Maanta Lagu Dhaariyey Baarlamaanka Hortiisa+Daawo Sawirada
March 29, 2017 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaweyd lagu
dhaariyay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kadib markii ay si buuxda u heleen codka kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirada helay Codka Kalsoonida waxaa dhaariyay Gudoomiyaha Maxakmada sare ee dalka Abuukaate Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa ayna wasiirada ku dhaarteen in dalkooda dadkooda iyo diintooda ay si daacad ah wax ugu qaban doonaan.