Liiska Qandaraasyada Aan Loo Tartamin Ee Qaleylka Lagu Qaybsaday Dhawaan Iyo Dagaalka Dhaqaale Ee Dekeda Berbera+Free Zone Keeda Ka Bilaabmay. Qalinkii Abdirahmaan Fidhinle UK
March 29, 2017 - Written by Berbera Today
Xukuumada Siilaanyo intii ay hogaanka dalka haleeshay waxay isku khaladay Qaranimadii iyo Qoysnimadii waxaana meesha ka baxday cadaalad u qaybintii midhihii dawladnimo, waxaa baaba’ay xaq-dhawridii wada-lahaanshihii qaranimo, Waxaana dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii, Hantidii guud iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka oo dhan. Kadib markii ay Xukuumadu Xeyndaabkii Baananka dalka ku xaraysey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama lacagaha deeqaha ah ee deeq-bixiya-yaashu inoogu deeqaan.
Taasina waxay keentay in maanta Somaliland yeelato shaqsiyaad dhawaan dhalad ah oo ku taajirey naasnuujinta xukuumadan musuq-badan mudo kooban oo 6 sanadood ah. Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dha-dhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku ganacsada oo laba lisay amaanadii lagu aaminey. Waxay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax-wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka,maganta,moorada, muquunada iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Boowe ! Bal ufiirsada oo isweydiiya Qandaraasyadan hoose ee dhinaca ka rarmay sifihii lagu bixiyey iyo muskii iyo miscirirtii lagu gufeeyey: Qandaraasyada tirada badan ee Cadaalad darada lagu bixinayaa waxay nusqaan iyo naaneys xumo ku tahay haykalka iyo Haybadii Xukuumadan gabalkeedu sii dhacaayo ee talada haysa.
1- Qandaraaska Hoteelada Dalxiiska ee dhulka dadka iyo danta guud loo boobay
2- Qandaraaska dhismaha Deyrka dheer ee Suuqa xorta ah ( Free zone ).
3– Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Agabkii hore ee Dekeda Berbera
4- Qandaraaska isgaadhsiinta Dekeda, Free Zone ka iyo Shaqaalaha DPW
5- Qandaraaska qaybinta Shidaalka iyo Kaalimaha Shidaalka ee Dekeda iyo Free Zone ka
6- Qandaraaska Daabulaada shaqaalaha DPW iyo Dayactirka Gaadiidka DPW iyo Free Zone ka.
7- Qandaraaska Caymiska shaqaalaha iyo asadka Dekeda iyo Free Zone ka
8- Qandaraaska Nadaafada Guud ( Cleaning ) ee Bekeda iyo Free zone ka
9- Qandaraaska Keydka Qaboojiyeyaasha Dekeda iyo Free Zone ka
10- Qandaraaska Xawilaada lacagaha iyo sarifka lacagaha qalaad
11- Qamdaraaska Parking ka Dekeda iyo Free Zone ka