Maxaad Ka Ogtahay Raad Raaca Taariikhda: Kooxdii Maafiyada Aheyd Ee Brigate Rosse (Guutada Cas Cas)
March 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-waxa aanu halkan iudiinku soo gudbinaynaa Warbixin Kooban oo ka hadlay taariikhda Kooxdii Mafiyada ahed ee dalka Talyaaniga Ka Shaqaysan jirtay islamarkaana falaka khatarta ah ka dhex fulin jirtay ee lagu magacaabi jiray(Brigate Rosse oo macneheedu yahay(Guutada cas cas)”
“Raad Raaca Taariikhda: Brigate Rosse (Guutada cas cas) waxay ahaayeen koox mafia ah oo Italy la hartay intii u dhaxaysay 1970 kii ilaa 1983dii. Waxay gaysteen dilal farabadan, qaraxyo iyo cabsigeli ku baahday Italy. Yurub ayaa wax ka qaban kari wayday. Waxay gaareen heer ay Raisul wasarahii dalka, Aldo Moro ay gacanta ku dhigaan 16th March 1978 iyaga oo laayay dhamaan ilaaladiisii. Waxayna gacanta ku hayeen 55 maalmood kadibna waa ay dileen. Kooxdan waxaa lagu dabar jaray saddex arimood A) Waxaa kor loo qaaday niyadda iyo taakuladda dhaqaale ee ciidanka Qaranka Italy B) Waxaa lagu dhex talaalay basaasiin kadibna waxaa la helay xogta qaab dhismeedkooda, khadka ay saadka iyo lacagta isugu mariyaan iyo madaxdooda C) Waxaa la ugaarsaday madaxdooda, iyada oo aan askarta yar yar lagu mashquulin.