berberatoday.com
Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodoga Uyahay Ee Baashe Morgan Oo Shir Degmada Salaxley Kula Yeeshay Waxgaradka Faysal Cali Waraabe Oo Ay Ka Iibsadeen Gudoomiyenimada Xisbiga Ucid Oo Lagu Kala Kacay Iyo Kulan Dambe Oo Loo Balamay Musharraxnimada Faysal Oo Wasiir Xaashi Damacsanyahay Inuu Daaqada Ka Saarayo
March 29, 2017 - Written by Berbera Today

Salaxley(Berberatoday.com)-Shir Maanta gelinkii dambe ka dhacay Degmada Salaxley oo ay isku wajaheen Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Odayaal  beeleed kasoo jeeda Reer Guuleed Cidagale oo lagu kala Iibaanaayey Xisbiga Magac u yaalka ah ee Ucid ayaa lagu kala kacay.
Kaddib markii Wasiir Maxamuud Xaashi oo u weheliyo wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u yahay ahna Wakiilka Imaaraadka carabta u fadhiya Somaliland  Baashe Morgan iyo Wasiir Cukuse ay Odayaasha u sheegay inuu Faysal Cali ka Iibiyey Gudoomiyenimada Xisbiga Ucid iyo Sidoo kale Musharraxnimada Madaxweyne ee Xisbigaas. 
Xoggaha kulankaas laga helaayo ayaa sheegay markii kooxda uu Wasiir Maxamuud Xaashi intaas u sheegay uu Faysal Cali Waraabe isna dhinaciisa sheegay inuu Wasiir Maxamuud Xaashi ku Wareejin doono Gudoomiyenimada Xisbiga Ucid, balse aanu diyaar u ahayn inuu Musharaxnimda ugu daro.
Odayaashii ayey ku adkaatey inay sheekada labada dhinac go’aan ka qaataan, waxanay odayaashu ku booriyeen inay wax ay ku heshiiyeen ula yimaadaan, isla markaana ay hada is maandhaafsan yihiin, maadaama oo Wasiir Maxamuud Xaashi uu dalbaday in musharraxnimada iyo Gudoomiyenimada ku Waraajiyaan, halka Faysal Cali Waraabena u sheegaayo inuu Gudoomiyebimada ka iibiyey. Waftiga Wasiir Maxamuud xaashi oo markii hore Banka Qool caday kaga qaybgalay Ceel biyood Riig ah.
Waxa kaloo ay sheegeen xoggaha kulankaan oo Warbaahinta Xogreebnews qaarkood heshay, kuwasoo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, in kulan kale loo balamay, isla markaana arrimahan is fahan laga gaadhi doono. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi ayaa la sheegay inuu quus ka taagan yahay xilka Gudoomiyenimo ee Kulmiye in lagu waraajiyo waxanu mudooyinkii u dambeeyey kacdoono beeleysan kaga abaabulayey musharaxa Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi deegaanda bariga burco kuwasoo ku goodiyaayey inaanay dooran doonin, hadii uu xilka gudoomiyenimo hadda ku waraajin waayo wasiir maxamuud xaashi. Waxanay hadda u muuqataa inuu quuska joogo abaabulkii iyo kacdoonadii uu ka dhex waday xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa.
 
 
 Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Maxamud Xaashi OPo Xodxodanaya Beesha Ciidagale Ee faysal Cali waraabe Isaga oo Muraadkiisa Ugu gabanaya Ceelbiyood La Laga Furaayay Deegaanka Qllcaday

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews