Jaaliyadda Washington DC ee Xisbiga Kulmiye Iyo Garabkii New Ucid oo 1-da April 2017-ka Sabtida Munaasibad Balaadhan kusoo Dhoweynaaya Siyaasi, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Xaflado is daba Joog ah oo Dhowaan ka Bilaabmi Doona dalalka Laatinka+ Xafiisyo, Taageerayaal iyo Masuuliyiintii ku Abtirsan Jiray Ucid oo ku wada biiraya Xisbiga Kulmiye ee Hoggaamiyahooda Jamaal usoo sahamiyey…
March 30, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Washington-DC(Berberatoday.com)-Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan cariga Maraykanka, gaar ahaana Taageerayaashii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee Xisbigii New Ucid iyo sidoo kale kaadiriinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa munaasibad balaadhan oo lagu soo dhoweynaayo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku qabanaaya Magaaladda Washington DC.
Waxanay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee reer Washington Xafladda soo dhoweynta ah Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku qaabilayaan 1-da bisha April sabtida. Iyadoo qaban-qaabada xaflada lagu soo dhoweynaayo Siyaasi sare Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen si weyn looga dareemaayo goobaha Somalidu joogto ee Magaaladda Washington. Waxana lagu arkayaa goobaha Sawiirada Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo lagu dhejiyey meheradaha iyo baaburta dalka Maraykanka ee Magaaladda.
Xafladan lagu maamusaayo, isla markaana lagu soo dhoweynaayo Siyaasi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee sabtida ka dhici doonta Washington DC ayaa la filayaa inay noqoto tii ugu miisaanka Cuslayd ee Siyaasi Soomaaliyeed sidaas si lamid ah lagu soo dhoweeyo Caasimadda Maraykanka ee Washington. Waxana la filayaa inay kulmiso shaqsiyaad Siyaasiyiin ah oo Miisaan culus ku leh Dhulka Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Mudooyinkii u dambeeyey safar ku joogay dalka maraykanka ayaa bishan soo socota dhaqdhaqaaq Siyaasadeed ka bilaayaba geyiga maraykan weyne, sidoo kalena waxa la filayaa in bishana April loo qaban doono garabyadiisii Xisbigii Ucid ee qaaradaas, xaflado is daba joog ah oo masuuliyiintii halkaas u fadhiyey New Ucid ay ugu biirayaan Xisbiga Kulmiye ee hoggaamiyahooda Jamaal Cali Xuseen hore u galay, balse hadda ay iyagu nasiib U heleen reer Maraynkan inuu hoggaamiyahoodii kusoo dhoweeyo Xisbiga Kulmiye oo usii sahamiyey.