118 Maxbuus Ajaaniib Ah Oo Ku Dhinteen Xabsiyada Dalka Malaysia Labadii Sano Ee Lasoo Dhaafay
March 31, 2017 - Written by Berbera Today
Malaysia(Berberatoday.com)-In ka badan 100 dadka ajaanibta ayaa u dhinteen cudurro kala duwan oo aan la garanayn sababtiisa labadii sano ee la soo dhaafay xarumaha dadka muhaajiriinta lagu hayo ee dalka Malaysia, sida laga soo xigtay dokumentiyo ay shaaciyeen wakaalada wararka ee Reuters.
Tirada la sheegay, taas oo aan hore loo shaacin, ayaa ku salaysan xogta laga helay waaxda socdaalka Malaysia oo ay u gudbiyeen Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha, Malay Suhakam.
