Daawo,Sheekh Aadan Siiro Oo Si Adag Uga Hadley Dhalinyaro Dhawaan Bandhig Dhareed Hargeysa Ku Qabtey Kuna Baaqay In Dhaqanka Noocaas Ah Lala Dagaalamo
March 31, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Hargaysa (Berberatoday.com)_ Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waa weyn ee reer Somaliland
waxaa uu khudbadiisi maanta ee Saalada Jumce uu kaga hadley dhalinyaro dhawaan Hargeysa ku sameysay bandhig dhareed
Sheekha ayaa waxaa uu sheegay in dhaqamadaasi ay yahiin dhaqamo inooga yimid dadka gaalada ah isla markaana diinta Islaamku ay iyadu inoo sheegtay qaabka dharka loo xidhnaayo loona baahneen in bandhig dhareed laga barto qaabka dharka loo xidhaanyo
Sidoo kale sheekha ayaa waxaa uu xukuumada , aqoon yahanka , madax dhaqameedka , culimada iyo masuulyiintaba ugu baaqay in dhaqamada noocaas ah la dagaalamaan