Ergayga Qaramada Midoobay Oo Axada Beri Hargeysa Imanaya Iyo Farriimo Uu Madaxweynaha U Siddo
April 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya danjire Michael Keating, ayaa la filayaa inuu Axadda beri socdaal laba maalmood ah ku yimaado magaalada Hargeysa.

Danjire Michael Keating oo aanu xafiiskiisu wax war ah ka soo saarin socdaalka uu ku imanayo magaalada Hargeysa, ayaa haddana warar uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in ergaygu u socdo dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin aafada abaaraha, doorashooyinka iyo dib u dhaca ku yimid iyo arrimo kale, waxaana la filayaa inuu kulan la yeesho si uu arrimahan ugala hadlo Madaxweyne Siilaanyo.