berberatoday.com
“Geeluna Reer Reer Isguma Keen Jiro Oo Xisbiga Kulmiyaa Lagu Yaqaanaa Qabyaalada Ee Inaga Qarankaa Geelu Isugu Keen Jiraa”Hogaamiye Xirsi
April 1, 2017 - Written by Berbera Today

Berlin(Berberatoday.com)-Wafti labaadhan oo uu hogaaminayo Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo socdaal ku marayey Qaarada Yurub ayaa gaadhay Wadanka Jarmalka iyadoo halkaasi si heer sare ah loogu soo dhaweeyey waftiga , Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo kamida Waftiga uu hogaaminayo Gudoomiye Cirro ayaa khudbad ka jeediyey Xaflad ay soo agaasimeen Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Wadanka Jarmalka.

Image may contain: one or more people and sunglasses

 

 

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Astaanta Xisbiga Waddani ay tahay qaranimada Somalialnd iyo wada jirka dadka, sidoo kalena waxa uu xusay in in Xisbiga Kulmiye ay wakhtigan astaan u tahay qabyaaladu oo kulmiye iyo xulafadiisa isgu jiraan geelu halka Xisbiga Waddani uu geelu isugu jiro qaranka , waxaana uu bulshada usoo jeediyey in qaranimada la wada ilaaliyo qarankana meel looga soo wada jeesto.

 

Hogaamiyaha oo xafladaasi ka hadlay waxa hadaladiisii ka mid ahaa ” Inaad Xal u aragtaan qarankeenii inuu ku badbaadayo Waddani waa taan anaba hore u aragnay , Geeluna reer reer isguma keen jiro oo Xisbiga Kulmiyaa lagu yaqaanaa Qabyaalada inaga qarankaa geelu isugu keen jiraa, inaga calaamadeenu waa qaranka qarankoo wax isku darsada qarankoo wax wada leh qarankoo isku dana kaasaynu doonaynaa, dooni mayno inaynu inagu laba laba geela isugu darsano”

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hoosta ka xariiqay inaanay suuro gal ahayn in qaran lagu dhiso qabyaalad markale wuxuu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata ” Qaran kuma unkamo oo kuma dhismo kuma dhaqaaqo oo kuma dhaqaaloobo hadii laba laba wax laysugu darsado, Waxaynu leenahay aynu qarankoo dhan wax isugu darno isku dan ka dhigno isku duubno midnimadooda ka shaqayno meelna uga soo wada jeedno” ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Xafladaasi ka hadlayey.

Si Kastaba ha ahaatee Socdaalkan Waftiga Xisbiga Waddani ku marayaan Qaarada Yurub ayaa ah socdaal ay kula kulmayaan Masuuliyiinta iyo Madaxda Wadamadaasi Reer Yurub halka ay sidoo kalena soo dhaweyn aan loo kala hadhin mucaarid iyo muxaafidba ay kala kulmeen Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool Wadamada Yurub kuna soo dhaweeyeen Xaflado iyo munaasibo meeqaamkeedu aad u sareeyo Wafiga uu hogaamiye Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews