Wasiirka madaxtooyada oo Ucid baayacay iyo sideed million oo Dubai u taal by Abdi Mustafe
April 1, 2017 - Written by Berbera Today
Wasiirka madaxtooyada Maxamoud Xashi ayaan mansab ka filanayn A/rahman Ciro iyo Muse Biixi kii yimaada toona. Markuu ogaaday in uu dhawaan suuqa ku soo baxsanayo ayuu hindisay in uu ama Gudoomiye nimada xisbiga Kulmiye kala wareego Maxamed Kaahin ama Faizal jaan-jaan ka iibsado Ucid. Maxamoud Xashi oo account Dubai ah ay uugu jirto 8 Million oo dollar uu ka qarinayo qeybta dabagal ka cashuuraha ee ingiriiska HM Revenue & Customs ayaa iminka waxa ogaaday qeyb kale oo caalamiya oo lacagaha la dhacay dabagala oo loo yaqaan Monitoring group. Ucid iyadu waa wankaa kii dhabarka taab taba laga iibinayo ee hadana hadhow la isku qabsanayo. Maxamoud Xashi oo qoyska Silaanyo qoorta kaga maran oo goor ay noqotaba ay dhulka ku dhafan doonaan ayaan xaal kiisu fiic nayn maal mahan oo waxa ula booca uugu tukubaya Bashe Morgan oo ka hinaasay ninkan madaxtooyada la maamulaya. Morgan qudhiisu wuu hunguray-nayaa in xisbiga Kulmiye gudoomiya nimadiisa lagu soo wareejiyo siday u suurta geli se la garan maayo. ina gaafaadhi isna ha soo reebin oo waa colka higsanaya gudoomiye nimada Kulmiye in lagu wareejiyo. Madaxtooyadi maal-mahan guuxa ka baxaya waxa laga maqlaa shanta meylka ee Hargiesa oo iyaduna waxa halkan soo taagan wasiirka maaliyada oo marwada ka dalbatay iin laga wareejiyo maaliyada si aan dowlada timaadaa uula xisaab tamin ee lagu qabto qof kale oo wasiirka maaliyada ah marka xukunku is bedelo. Waxa isagana dhiig kar ku dhacay Muse biixi oo arinka gudoomiya nimada siduu uuga saba ta bixi lahaa aan weli xal keed helin oo habeen walba aqal kiisana shir ku gala madaxtooyadana ka daalbada in laga daayo dalabkaa waqtigan jooga hase yeeshee rag uu uugu horeeyo Maxamoud Xashi ayaan dheg u dhigin oo kolba dad soo shidaalinya warbaahinta ka shiida Muse Biixi. Isku soo xoori oo lagama yaabo in Silaanyo kursiga ka dego Somaliland oo nabad gelyo ah hadaan sidan ay wax ku socdaan ee ay ka mid tahay sahaminta shidaalka ee beelaha qaar lagu daan-daan sanyo aan wax laga bedelin. Xaalada dalku marayaa waxa weeye in shicibku iskaba ilaaway wixii dowlad nimo la odhan jiray ka dib markii xukuumada laga arki waayay inay u socoto sidii qaran nimo. Qoyska Silaanyo dan kama laha hadii dalku bur-buro oo malaayiin dollar baa Dubai u taal inay calfan na ilaahay baa og.
Abmustafe123@gmail.com