Dawlada Xamar Oo Ka Hadashey Wariye Lagu Afduubey Duleedka Moqdisho Iyo Halka Uu Ka Shaqeyn Jiray+Cida Afduubtey
April 2, 2017 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan
ayaa si kulul u cambaareeuauay afduubka loo geystay saaka Wariye Hanad Cali Guuleed oo ka mid ah weriyaasha ka howlgala mid ka mid ah warbaahinta dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay si weyn u cambaareynayaan afduubka loo geystay Weriye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsanaa weriyaasha Goobjoog FM.