Koox Wasiiro Xukumada Siilanyo Katirsan Oo Socdaal Dag Dag Ah Berbera Kuyimi Iyo Wiilka Madaxweynuhu Sodoga Uyahay Ee Baashe Morgan Oo Hogaaminaya+Ujeedada Socdaalkooda
April 2, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-In kabadan Sideed(8)Wasiir, Wasiiro Kuxigeeno, Agaasimayaal Guud iyo Masuuliyiin kaloo badan oo Katirsan xukumada ayaa Maanta Duhurkii socdaal aan hore loo sii shaacin kuyimi Berbera waxana waftigan hogaaminaayay Wiilka Awooda Badan Ku leh Xukumada Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay Baashe Morgan.
Waftgan Ayaa waxa kamida wasiirada kujira Wasiirka Duulista Hawada Farxaan Aadan Haybe, Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Cumar Shuceyb Maxamed, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiiraka Arimaha Gudaha Yasin Faratoon, Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta. Wasiirka Arimaha Debeda Sacad Cali Shire, Xanaanada Xoolaha Iyo kuwo kaloo Badan.