Dhibaato Dhaqaale Oo Soo Foodsaartay WADDANI Iyo Guddoomiye Cirro Oo Fagaare Ka Magac-dhebay Xubno Uu Qaadhaankooda Saluuugay “
April 3, 2017 - Written by Berbera Today
“Raggii aan is lahaa konton-kontonka way ku dhawaaqayaan laakiin way ka yara xishoodeen inay ku dhawaaqaan kontanka iyo labaatanka iyo, weliba waxa fadhiya Caydaruus iyo…”Cirro

Stockholm(Berberatoday.com)-Guddoomyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa muujiyey dhibaatada dhaqaale ee haysata xisbigiisa, waxana uu qaylo-dhaan uu dhaqaale ku raadinayo kula dhex dhacay jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool caasimadda waddanka Sweden ee Stockholm, gaar ahaan taageerayaashiisa.