Oodwayne(Berberatoday.com)-Shirkada Petrosoma Limited, oo ah shirkad baadha saliida oo haysata rukhsadda Blooga Oodweyne, ee uu maamulo muwaadinka Somaliland ee Mohammed Yusef Ali,
waxay maanta ku dhawaaqday in ay ka iibsatay saami dhan 6% rukhsadda
baadhitaanka ee Blooga Oodwayne Shirkada Sterling Energy Plc.
Saamiga ah 6% ee ay iibsatay Petrosoma, ayaa kor u qaaday saamigeedii ay ku
lahayd Blooga oo ka dhigaya 16%.
Markii la waydiiyay sababta ay shirkadu u korodhsatay saamigeeda ay ku
yeelanayso Blooga Oodwayn xiligan oo uu baadhitaanka saliidu bilow yahay,
Mohammed Yusef Ali waxa u ku jawaabay in ay mudantahay in la dhiiri galiyo
hirgalinta mashruucan lana garb istaago. Waxa uu yidhi “Baadhitaanka saliidu
had iyo goor waa shaqo adag oo khataro badani ku jiran, gaar ahaan marka
laga baadhayo wadan sida Somaliland oo kale ah oo aan hore looga baadhin
saliid, mashruucanna waxaan bilaabay 2005 anigoo rumaysan in haddii Saliid
laga helo Somaliland ay saamayn togan ku yeelan doonto koru kaca
dhaqaalaha wadanka oo horumarkaasi uu baabiin doono hagardaamooyinka
ummadeena ee ay ka dhaxlaan abaaraha iyo shaqalaa’anta keentay baahiyo
loo maaro laayay maanta”.