berberatoday.com
Nin Is Faashay Waa Ri’ Is Nuugtay! Masuul Is Cajabiyay Oo Is Amaanaya Iyo Shakhsiga uu Yahay!+[Akhriso-Muqaal] By Naciima Cabdi Galiixe N
April 4, 2017 - Written by Berbera Today

Nin Is Faashay Waa Ri’ Is Nuugtay! Masuul Is Cajabiyay Oo Is Amaanaya! Qalankii Niciima abdi Galiixe +[Muqaalka Faaqidaada Keenay]

Wasiirka Madaxtooyada .Maxamuud Xaashi .Naciima galiixe

Markii aan Furay Baraha bulshadu ku xidhiidho ishaydu waxay qabatay saaxiibada Barkulanka midkood oo soo Post-gareeyay Video-gan kadib waan daawaday waxanan arkay Wasiir Faanaya oo is cajabiyay, amaana aan waxba iskala hadhin.

Waa Wasiirka Madaxtooyada Mohamoud Hashi waxa hadadiisii ka mid ahaa “Waxaan noqday Duqii ugu Wanaagsana ee Magaalada Burco soo mara sanadkii 1991, wakhti 3000 oo Ciidana oo hubaysani ay magaalada soo galeen, waxan ku guulaystay in aan Maamulkii ugu wanaagsana ee Somaliland oo dhan soo mara aan Anigu ka dhisay Magaalada Burco, isla markaana aan ahaa ninkii Marti qaaday Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco ka qabsomay” waxase yaab igu noqotay markii Wasiirku dadkii wakhtigaasi joogay ee markhaatiga ka furi lahaa uu u qaybiyay kuwo dhinatay & koox Gabowday oo aan maanta waxba kala garanayn. Waxay ahayd si doodiisu meel mar u noqoto in uu xuso kuwo nool oo maragga u gala, laakiin doodaasi waa mid weli isaga keliya ku kooban.

Wasiirka wuxu markale yidhi “ Golaha Wakiilada ayaan ka mid noqday sanadkii 1995, waxaana aan ahaa ninkii ugu da’ yar golaha laakiin intaasi ma dhaafin ”.

Intaa markii aan daawadayba waxa igu soo dhacday Maah-Maahdii Somaliyeed ee ahayd

“Nin Is faanshay Waa Ri, Is Nuugtay”

{فَلَا تُزَكُّوا أَنْفُسَكُمْ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اتَّقَى} [32:
النجم] ؟)

ALLAAH (SWT) wuxu qofka muslinka u
diiday inuu isagu isku sheego wanaag (isagoo is amaanaya) waayo ALLAAH ayaa og kan cabsada. Islaamku kelmadda Aniga. Aniga wuu diiday marka loo isticmaalayo Kibir & in dadka la iskaga weyneeyo, Adigoo xataa wax wanaagsan qabtay oo run ah haddana haddii aad si istusnimo ah & halagu amaano ama dano kale aad ku doonayso taasi Islaamku wuxu ka dhigay Shirki & camal xun oo denbi ku ah qofkaasi.

Siyaasiyiinteena intooda badani Waxay Ku hafteen Badweynta Siyaasdeed ee Khariban ee ku dhisan Aqoon darada, Qabiilka, Faanka & Amaanta beenta ah ee kolba xubini mansab ku raadsanayo danihiisa gaarka ah ee hawada & baraha bulshada inooga soo tebinayaan wanaagyo isdaba taxan oo macmal ah iyagoo aan marna ku ladhin dhacdooyinkii kharibnaa ee ku lamaana noloshiisa siyaasadeed & ka horba.

Karl Immanuel Nitzsch oo Jaramalka u dhashay ayaa noqday Aabaha Qarnigii 18aad cilmiga ’PONEROLOGY’’ oo lagu lafo guro xumaanta ku jirta siyaasadda, Bulsha & Dawladnimada. ’PONEROLOGY’’ waa eray giriig ah oo macnihiisu yahay “Shar ama asalka xumaanta” . Political Ponerology Waa lafa gurka siyaasadeed ee arrimaha Bulshada ee xidhiidhka la leh waalida siyaasadeed & anshaxa guud ee bulshada iyadoo la adeegsanyo xogta qofka laga hayo sida Beenta, Aflagaado, Dagaal Xasuuq, Tuug, Eex, Gardaro, Danaysi Kelitalisnimo & wixii kale ee ku lamaan taariikhdiisa, Waana cilmi barashadiisu wakhtigan badan tahay.

Dhibaatda Maanta Somaliland ka jirta ee dib inoo dhigay waa Xumaantii, Tuugadii, Beentii & Faankii, oo dhamaantood la isla qirsan yahay in ay xun yihiin ayaa haddana ku milmeen nolosha & dhaqanka Siyaasiyiinta caanka ah ee aynu ku dayano ee inoo ah “Role Model” Siyaasada lafteediina waxay noqotay goobaha ugu muhiimsan ee xumaanta lagu helo Magac, Maal Mansab & Maamus, markay sidaa tahay waxaynu badhatanka ugu jirnaa badweynta siyaasadda aan miyirka qabin “Political Psychopath” oo hadaynaan badbaado helin ku hafan doono“ I don’t trust words, I trust actions“ “Iskuma Haleeyo Kelmadaha Dhego Barjada ah, Keliya Waxaan Rumaystaa Wax Qabadka Qofka ee Dhinaca Wanaagga.

Wasiirku hadduu 1991 sheegay inuu ahaa Maayar Burco oo weliba ururiyay cashuurtii dawladda dhexe & tan hoose xagay martay Cashuurtaasi? Dawladihii la dhisay ma u gudbiyay xisaab celin, & sidiii loo isticmaalay? Ma jiraa mashruuc maanta Burco ka muuqda oo uu ku fuliyay Cashuirtii Umada?

– Baralamnkii uu ku biiray 1995, waxa keliya ee lagu xusuustaa waa xil ka xayuubintii Cigaal (impeachment) oo uu hormood ka ahaa, taasi oo uu ku guul daraystay Mohamoud Hashi & weedho cunfi qabyaaladeed ah oo uu Wargeysa uu ku qori jirey

Daawo Muqaalkan

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews