Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Oo Ku Kacday Musuq Maasuqii Ugu Cuslaa Abid,Wasaaradda Oo Heehaaysa Iyo Lacagtii Wacyigalinta TB Oo Jeebadaha Lagu Shubtay.
April 4, 2017 - Written by Berbera Today
“Wasaaradda Caafimaadka Oo Mudooyinka Dambe Aad U Il-Daran Iyo Hay’addihii ay wada shaqaynta lahaayeen Oo Joojiyay Mashaariicdii Kadib Musuq Maasuq Xadhkaha goostay.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Laba sarkaal oo ka hawlgala Wasaaradda Caafimaadka Somaliland islamarkaana kala ah Sayid Ismaaciil Xasan Iyo Maxamed Jaamac oo Xafiisyo mihiim ah ka haya Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku kacay Musuq Maasuqii ugu Cuslaa,Kadib markii ay afka iska mariyeen Lacag xad dhaaf ah oo Hay’adda World Vision ee Fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa ay ugu deeqday wasaaradda si loogu fuliyo Wacyigalinta Cudurka Qaaxada Somaliland,gaar ahaan Xuskii Dhawaan 24-kii Bishii aynu ka soo gudubnay lagu qabtay Huteel Ambassador.
Madaxa Xakamaynta Cudurka Dabaysha ee Wasaaradda Caafimaadka Sayid Ismaaciil Xassan Iyo Madaxa Xisaabaadka Waaxda TB-da Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Jaamac ayaa laga soo sheegayaa inay gabi ahaanba ku tagrifaleen oo ay jeebka ku shubteen lacag kor u dhaafaysa 20,000-Kun Oo Dollar oo Hay’adda World Vision gacanta ka galisay,Gaar ahaan Masuulka Xafiiskaasi ugu sareeya oo ah Sayid Ismaaciil Xasan,lacagtaasi oo loogu talo galay inay Wasaaraddu kor ugu qaado Xuska maalintaasi oo aduunka oo dhan laga xuso,Waxaanay wararka aanu helaynaa ay sheegayaan inay Lacag aad u kooban oo boqolaal dollar gaadhaysa oo qudha ay u tuureen dhawr Warbaahinood islamarkaana ay intii kale jeebka ku shubteen. Waxa ay Wararka aanu ka helnay Wasaaradda Caafimaad noo xaqiijiyeen in Masuuliyiintani tan iyo maalintii Xuskaasi dhacay ay Telefanada xidheen, islamarkaana aanay ka soo daahirin Xafiisyadood,iyagoo iska qarinaya Xarumo Warbaahinood oo baahiyay Xuskaasi islamarkaana laga musuq maasuqay Lacagtoodii,kuwaasi oo Todobaadkii u dambeeyay gaaf wareegaya Xarunta Wasaaradda Caafimaadka.
Inkasta oo mudooyinkii u dambeeyay laga dayrinayay Shaqadii Waraasadda Caafimaadku Qaranka u haysay oo si weyn hoos ugu dhacay,ayaa haddana waxa laga soo sheegayaa Musuq maasuq aan lala dhuumayn oo xadhkaha Goostay. Haddii aad booqato Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,Cibro ayaa kuu kordhaysa,Waxaanad moodaa meel laga hayaamay iyadoo masuuliyiinta ugu sareeya Wasaarada Xafiisyadoodu ay xidhan yihiin islamarkaana ay qaarkood ku samaysmeen Xuub caarro.Waxa dhex jooga oo qudha dad dilaaliin ah oo mashaariic yar yar oo meelo gaar ah ka soo dhacda dilaala,Waxaana istaag ku jirta shaqadii Wasaaradda Caafimaadku lahayd.Hay’addihii Wasaaradda La Shaqaynayay ayaa gabi ahaanba muddo dheer aan wax wada shaqayn ah la yeelan Wasaarada kadib markii ay waayeen Cid la shaqaysa oo Xisaab Celin u samaysa.Waxa sidoo kale Jahawareersan Shaqaalaha Wasaaradda oo intoodii badnayd shaqada iskaga yaaceen kadib markii ay Wax waliba hawlgab noqdeen, tusaale ahaan waxa shaqaale badani lacag kab ah ka soo gali jirtay Hay’addaha Caafimaadka ka Shaqeeya,ee Wasaarada la shaqayn jiray taasi oo meesha ka baxday,Sida lagu Baahiyay Shabakada Wararka Baarcadeeyenews.
Wargeyska Foore waxa uu xidhiidh la sameeyay Masuuliyiintani anagoo telafanooda garaacnay,Waanay naga qaban waayeen,Waxa kale oo aanu la xidhiidhnay Ku Simaha Agaasimaha Guud, maadamaa oo uu safar ku maqan yahay Agaasimihii guud,Waxaanu garaacnay Telefankeeda waanay naga qaban wayday Telka,Sidoo kale waxa aanu Telefankiisa garaacnay Wasiirka Wasaararadda Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglatoosiye,si aanu wax uga waydiino,isaguna nagama Qaban Telefankiisa oo aanu dhawr jeer ku celinay,Waxaanu sidoo kale Garaacnay Wasiirka Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka oo Nasiib Wanaag Telka Naga Qabtay kana Cudur Daartay inuu Faah Faahin Ka bixiyo Arintaasi isagoo iskaga riixay Dhinaca Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda.