Gaadiid Shixnado Baco Ah Sida Oo Kastamka Saylac Lagu Cashuuray Iyo Wareegtadii Madaxweynaha Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqotay
April 5, 2017 - Written by Berbera Today
Saylac(Berberatoday.com)-Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka qaada gaar ahaana nooca loo yaqaan 1924-ka oo Sida Shixnad Ganacsiga bacda ah ayaa markii Tobnaad kasoo gudbey Kastamka Cashuuraha Maaliyada ee Degmada Saylac kadib markii si xor ah loogu soo cashuurey halkaasi iyadoo talaabadanina ka hor imanayso wareegtadii madaxweynuhu ku joojiyey in bacda waddanka lasoo geliyo