Kenya Tuug Bartilmaameedsata Dadka Timaha Dhaadheer Si Ay Timaha Uga Goostaan
April 5, 2017 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ay ka bilaabantay cabsi soo wajahda dadka timaha dhaadheer leh, kadib markii uu kor u kacay suuqa iibka timaha, taasina ay abuurtay in ay bilaabmaan tuug bartilmaameedsata dadka timaha dhaadheer.
Sida lagu daabacay jariirada Nairobi News, tuugtan waxa ay timaha ka goostaan qof kasta oo ay u arkaan inuu timo dhaadheer leeyahay, kadibna waxay u iibgeeyaan meelaha la isku qurxiyo ee ay ka mid yihiin kooferada.