berberatoday.com
Abaal-Gud Waa Gabay Aad U Qiimo Badan Oo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Ka Tiriyey Xuska Aasaaska SNM.”Gowraca Raggii Joojiyee, Kaga Gariirsiiyey. Hooyooyinkii Goblamayee, Gabanadood Waayey. Guryaha Raggii U Iibiyee, Gubayey Laabtooda”
April 6, 2017 - Written by Berbera Today
Abaal-Gud Waa Gabay Aad U Qiimo Badan Oo Jamaal Cali Xuseen Ka Tiriyey Xuska Aasaaska SNM
Gabaygan Waxaa Tiriyey: Aqoonyahan, Abwaan Jamaal Cali Xuseen, Muddo sideed Sanadood Laga Joogo April 5, 2009 kii Isagoo Ugu Tallo Galay Xuska Munaasibadan Ku Beegan Maalinta April 6-deeda Oo Ah Maalintii SNM La Aasaasay Sanadkii 1981 Kii. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Ayaa Waqtigaas Ahaa Madaxa Ugu Sareeya ee Baanka Caalamiga ah CITIBANK Faraciisa Dalka Ivory Coast.
1. Halgan Gobannimo Doonkii Snm, Guul Ku Soo Khatimye 
2. Waa Mid Taariikh Gun Dheer Galo, Xil La Soo Gutayee 
3. Gef Iyo Gardara Laga Degaalamay, Iyo Gunnimo Diide 
4. Ged-Gedoonka Waayuhu Wuu Qiri, Taariikhda Guudi 
5. Gurmadkii Maatida U Kacaye, Gooyey Taladeeda 
6. Waa Kuwii Ka GamfIn Xilkoodi, Gudashadiisiiye 
7. Gal-Dalool Iyo Quudhsi Raggii, Gardarada Diidey 
8. Gujo Nacasta Raggii Ka Dhiidhiyey, Garasho Dheeraada
9. Waa Kuwii Godkuun Ku Jiree, Kaga Gig Siinaayey 
10. Waa Kuwii God Iyo Dhufays Galee, Guntad Ku Raameeystay 
11. Waa Kuwii Gelin Iyo Habeen, Cadowga Goobaayey 
12. Waa Kuwii Goor Walba Naftood, Guuto Lagu Saaray 
13. Gowraca Raggii Joojiyee, Kaga Gariirsiiyey 
14. Hooyooyinkii Goblamayee, Gabanadood Waayey 
15. Guryaha Raggii U Iibiyee, Gubayey Laabtooda 
16. Gawaadhida Kuwii Keenayee, Goownaxyada Buuray 
17. Gaashaan Qaadkii Qurbahee, Cadho Galiilyooday 
18. Godobtii Darneyd Kuwii Qiraye, Dibada Gaadhsiiyey 
19. Kuwii Qalin Muruq Ku Gooyee, Cadowga Giigiimay 
20. Giiryaalle Raggii Eryadee, Geedka Sare Fuushey 
21. Geesiyadii Geedka U Galee, Goobtan Ka Xoreeyay 
22. Inaynu Maanta Guushood Xusnaa, Gaar Bay Noo Tahaye. 
23. Taariikh Ma Gabowdo Abidkeed, Kana Gun Dheer Ceelle
24. Abriil Lix Waa In Loo Guddaa, Abaalkay Soo Gashaye 
25. Guul Waa In Lagu Suntaa Gugaas, Geyi Barwaaqeede 
26. Abriil Duco Waa In Loo Guntaa, Geesi Oo Idile 
27. Xasuuso Geesiyadii Halgame, Guusha Noo Dhaliyey. 
28. Geedba Marbay Qolofi Ka Dhacdaa, Gorada Guudkiisa 
29. Ummadi Gobanimo Way Higsataa, Goor La Gawracayee 
30. Gantaalihi Shicibka Ku Dhiciyo, Nabaradii Gaadhey 
31. Gef Laynaga Galuu Ahaayoo, Guul Ilaah Bixiyee 
32. Halgan Dhiiga Dhuuxiisiyo Gala, Jiidhka Gudahiisa
33. Mid Aynu U Wada Guntanu Ahaa, Shicibka Guushiise 
34. Guhaadkii Haween Iyo Carruur, Talisku Gaadhsiiyey 
35. Geeddi Iyo Jid Dheer Baa Loo Mariyo, Geyi Shisheedaade 
36. Gufaac Dabayl Iyo Habar Dugaag, Guri Lagula Hoydee 
37. Guryo Iyo Adduun Baa Ku Lumay, Hanti Ma Guuraane 
38. Galbeed Iyo Barri Buu Is Qabsaday, Galalac Baaruude 
39. Kuwii Gardarada Waday Waa Tii, Geesi Uu Helaye 
40. Raggii Garaad Iyo Aqoonba, Guulle Ku Manaystay 
41. Geesiyadii Geedka U Galee, Goobtan Ka Xoreeyay 
42. Inaynu Maanta Guushood Xusnaa, Gaar Bay Noo Tahaye. 
43. Taariikh Ma Gabowdo Abidkeed, Kana Gun Dheer Ceelle 
44. Abriil Lix Waa In Loo Guddaa, Abaalkay Soo Gashaye 
45. Guul Waa In Lagu Suntaa Gugaas, Geyi Barwaaqeede 
46. Abriil Duco Waa In Loo Guntaa, Geesi Oo Idile 
47. Xasuuso Geesiyadii Halgame, Guusha Noo Dhaliyey.
48. Hadaan Halgan Gobonmino Dirirkii, Gaar U Falanqeeyo 
49. Olol Iyo Dhib Baa Loo Dhex Galay, Gumuc Rasaaseede 
50. Gaajiyo Haraad Baa Laga Mutiyo, Geerri Iyo Ciille 
51. Maxaa Mujaahid Geydhanoo, Geesiyaal Wada Ah 
52. Maxay Gaashaan Adag Noo Noqdeen, Gedo Wanaagooda 
53. Maxaa Miskiin Guri Laga Dumiyey, Cadho La Giigiimey 
54. Maxay Giraanti Adduunyadu Mirtay, Geeshash Odayaal Ah 
55. Maxaa Nolol Sharaf Lehoo Gudheyn, Nalagu Soo Giijey 
56. Guhaad Ciil Iyo Cadho Kuwii, Shicibka Gaadhsiiyey 
57. Dawlad Ku Sheegtii Gaadmaduun, Galabki Qaadeeysay 
58. Seetada Nimankii Goostaye, Gaaska Ku Shubaayey
 
59. Gocorro Reenkii Kuwii Ummadda, Nabarka Gaadhsiiyey 
60. Kuwii Gardarrada Waday Waa Tii, Geesi Uu Helaye 
61. Geesiyadii Jiidhku Damqadaye, GamaLNa Loo Diideey
62. Waa Kuwii Siday Guul U Dhaliyaan, Gaajo Ax Odhanaynin 
63. Waa Kuway Gurmad Miig Iyo Kaare, Gawda Uun Ku Hayeen 
64. Waa Kuwii Mar Qudha Ka Gabanee, Goolka Dhalinaayey 
65. Geesiyadaa Geedka U Galee, Goobtan Ka Xoreeyay 
66. Inaynu Maanta Guushood Xusnaa, Gaar Bay Noo Tahaye. 
67. Taariikh Ma Gabowdo Abidkeed, Kana Gun Dheer Ceelle 
68. Abriil Lix Waa In Loo Guddaa, Abaalkay Soo Gashaye 
69. Guul Waa In Lagu Suntaa Gugaas, Geyi Barwaaqeede
70. Abriil Duco Waa In Loo Guntaa, Geesi Oo Idile
71. Xasuuso Geesiyadii Halgame, Guusha Noo Dhaliyey.
72. Kun Goblamay Kun Gaatimaayiyo, Kuman Kaloo Giiran 
73. Kun Gabanaaya Kun Geel Lehiyo, Kuman Gogolba Haaysan 
74. Iyo Kuman Geesiyaal Ahoo, Guulle Ku Maneeystay 
75. Iyo Kuman In Gacmaha Lagu Sugo, Geliyey Laabtooda 
76. Iyo Kuman In Gaar Lo-Tashado, Laba Gudboonaatay 
77. Iyo Kuman Xarago La Giigsano, Guri Ku Faanaaya 
78. Iyo Kuman Gaajo Olalayoo, Garowna Aan Haaysan 
79. Iyo Kuman Badaha Goobayoo, Dhoof U Gubanaaya 
80. Iyo Kuman Godob LiLI Seexdayo, Gurina Aan Doonin 
81. Iyo Kuman Barakaca Gacan Qabtiyo, Garabka Soomaali 
82. Iyo Kuman Gaadh Inaga Hayoo, Qaranka Guuleeyey 
83. Iyo Kuman Gabdhoodo Fariidoo, Gacalka Soo Raadsha 
84. Iyo Kuman Guyaal Iyo Guyaal, Gurayey Maandeeqda 
85. Iyo Kuman Digsiga Goobayoo, Hilib U Googooyey 
86. Iyo Kuman Gaadh Wadeen Ahoo, Nabad Ku Guubaabshay 
87. Arligenan Dawladnimo Guddoonshe, Gaadhka Lagu Meershay 
88. Goobtaan Hadhkiyo Nabada Ahe, Heerka Sare Gaadhey 
89. Waa Mid Laabtayda Gilgilaysoo, Laga Gabyaa Maante 
90. Gurbaan Garab Kuugu Jira Baa, Gacalku Kuu Hayne 
91. Guul-Guul Colaad Yaan La Gelin, Weerar Gacaleede 
92. Waa In Guushaas La Giijiyo, Oon La Gaba-Gabeynin 
93. Waa In Guushaas La Gaagixin, Guulle Noo Dhaliyey 
94. Waa In Geed Lagu Meeriyaa, Oon Gacalku Ooyin 
95. Mar Kale Gardaro Darteed Yaan, Shacabku Uu Guurin 
96. Garashadu Waa Inay Gudoomisa, Gogolna Keentaaye 
97. Gurmadki Waa Inuu Astaan Noqdo, Lagu Xardhaa Guulle 
98. Halgankii Geesiyadii Waa In, Loo Garwaaqsadaye 
99. Xasuusoo Geesiyadaa Ogow, Garabka Noo Muujey. 
100. Taariikh Ma Gabowdo Abidkeed, Kana Gun Dheer Ceelle 
101. Abriil Lix Waa In Loo Guddaa, Abaalkay Soo Gashaye 
102. Guul Waa In Lagu Suntaa Gugaas, Geyi Barwaaqeede 
103. Abriil Duco Waa In Loo Guntaa, Geesi Oo Idile
104. Godkii Lagu Xasuustaa Kuli, Gabanadeeniiye 
105. Geesiyadii Duco Loo Mari, Gelinba Aamiinta 
106. Inuu Guudka Sare Jannadii, Eebaheen Geliyo 
107. Xasuuso Geesiyadii Halgame, Guusha Noo Dhaliyey.
By. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews