berberatoday.com
Golaha Wasiirada Dawlada Xamar Ayaa Ansixiyay Magacaabista Taliayayaasha Ciidamada Kala Duwan Iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Raysal Wasaaruhu Horkeenay
April 6, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Kulan xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Dawlada Xamar Oo ay wehelinayaan Xubnaha Golaha Wasiirada Dawlada Somaliya ayaa lagu ansixiyay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal la magacaabayo oo kala ahaa sidan Hoose”

Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay xilkan u soo qabtay hadana ah Xildhibaan katirsan Golaha shacabka Somaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Degmada Muqdisho ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.

Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid iyada oo Xilkana laga Qaaday Gen. Maxamed Xasan Xaamud, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa in xilka Taliyaha ciidanka Booliska loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid.

Madaxweynaha dowladda Xamar Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa iclaamiyay dagaal lixdan maalmood ah oo  uu sheegay in looga cirib tirayo kooxda Al-shabaab  guud ahaan dalka.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlayay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga dulqaado dhibta ay waxa uu ugu yeeray  argagixisadu ku heyso shacabka

Madaxweynuhu wuxuu cafis u fidiyay dhalinyaradda Al-shabaab oo uu sheegay in  lagu qalday fikrika khaldan ee Al-qaacida.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews