Madaxweyne Donald Trump Oo Canbaareeyey Weerar Ka Dhacay Dal Muslim Ah Iyo Cida Uu Eeda Saarey
April 6, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa cambaareeyay dadka shacabka ah ee lagu laayay waqooyiga Suuriya kuwaas oo ay u muuqato in lagu weeraray hub kiimiko ah oo ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Suuriya.

Arrintaasi waxay “waxyeelo ku tahay ban-adamnimada” ayuu yidhi Trump, wuxuuna intaas ku daray in “marka aad disho carruur aan waxba galabsanin, dhallaan aan dhib gaysanin iyo ilmo yaryar in markaas laga talaabay xariijimo badan.