berberatoday.com
Yaa Masuul Ka Ah Dhagarta Loo Geystay Sacad Maxamed Cali?
April 6, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sacad Maxamed Cali waa wiil aan qaan-gaadhin. Sannad ka hor ayaa Burco looga keenay si gacan uu ka jabay loogu kabo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Laakiin waxa mugdi iyo madaw guud ahaan la geliyay rejadii noloshiisa. Dhaawacan waxa si xilkasnimo-darro ah ugu geystay bahda Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo Wasaaradda Caafimaadka. Illaa haddana waxa uu dhibbane u yahay hadimadii ka soo gaadhay kuwii u hagar-bixi lahaa.

War faahfaahsan oo xaaladdiisa laga diyaariyay ayaa u dhignaa sidan:

Sacad Maxamed Cali dhalaan uu dulmiyey difaaci lahaa xuquuqdiisa.

Sacad yare, waa wiil yar oo ay ku dhacday dayac caafimaad (Medical negligence), waxa uu ka jabay gacan sanadka 2016 bishii labaad isaga oo jooga Burco. Waa wiil yar oo ahaa xaafidul quraan, da’diisuna ay ahayd 12 jir. Waalidka dhalay Sacad, Maxamed Cali Kildhi iyo Hooyadii Kinsi Ayaanle ayaa keenay Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa sacad yare, taariikhdu markay ahayd 18/02/2016 , si qaliin loogu sameeyo gacantaa uu ka jabay birna loogu geliyo. Sababta qudha ee loo keenay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxaa ay ahayd in qoysku aaminsanaa in daryeelka caafimaad ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa yahay mid lagu kalsoonaan karo, aadna uga horeeya ka magaalada Burco. 22/02/2016 oo ah sadex casho ka dib ayaa loo diyaariyey sacad qaliinka, waana halkaa halka ay ka dhacday masiibada illaa maanta bedeshay noloshii Sacad Maxamed Cali.

Sacad yare, isaga oo soconayaa ayaa la geeyey qolka qaliinta, waxaana uu ka tegey oo ay sii dhunkadeen waalidkiisu, walaaladii iyo ehelkii kale isaga oo faraxsan. Sidoo kale dhawrkii casho ee uu joogayna waxaa loo dhamaystiray baadhitaankii uu u baahnaa ee caafimaad. Waxaa la soo celiyey Sacad yare, muddo dheer ka dib, isaga oo ku jira Komma, suuxsan. Weliba aan gacantii laga qalin, miyir la’ qalab ku xidhan yahay. Waxaa loola cararay qolka dadka aad u ildaran la geeyo. Xilligaas waalidka waxba looma sheegin, waxaana madaxa kaga yaalay dhaawac buuran oo qadaadka ah, dhawacaas oo waalidka loogu macneeyey markii danbe, in uu soo gaadhay xilli ay la tacaalayeen in ay ku xidhaan oxygen ay ka illaaween markii hore.

Aan dib ugu noqdo halkaa, waalidku markuu waydiiyey waxa xaalladan u keenay wiilkooda, waxa ay yidhaahdeen isaga oo qaba infection ayaanu irbaddii ku mudnay suuxista, markaa halkaa ayaa ciladu ka timi, waxaa waalidkii yidhi kumaanu qancin oo waa idinkii u dhameeyey baadhista ee maxaa qaldamay. Muddo ka dib ayay haddana u sheegeen in markii la suuxinayey aanay ku xidhin oxygen, sababtu waxaa weeye dadka inta badan waxba kuma noqoto oxygen la’aanta ayay yidhaahdeen: Sidaas awgeed, kuwa ku noqda qorshaha kuma ba ay darsan!

Markii ay muddo jawaab la siin waayey, ilmihiina sidaas ahaa, waxa ay u gudbiyeen cabasho hay’adda Xirfadlayaasha Caafimaad taariikhdu markay ahayd, 31/03/2016, warbixintii xirfadlayaasha ma ahayn mid ay ku qanceen qoysku. Sidaas awgeed waxaa loo saaray guddi kale oo 5 xubnood ah. Waxaana ay ahayd baadhitaan wasaaradu samaysay gudaheeda.

Akhirkii wiilkii waxaa loo soo qaaday magdhaw. Waxaana hor taagan magdhaw gii wiilka Wasiirka Madaxtooyada, Maxamuud Xaashi, oo fulin waayey heshiiskii wasaaradu la gaadhay qoyska.

Qoysku Jabuuti iyo HIndiya ayay muddo dheer wiilkooda laba dhakhtar oo lagu soo qiimeeyey xaalkiisa caafimaad dawo u geeyeen. Maanta waxaa wiil uu ku dhacay ( Brain damage) oo laxaad leh, waxna ku noqday masuuliyiin caafimaad oo wasaarada ka shaqeeya, Maxaa xaqqiisa wasiirku u hor taagan yahay ayaa iswaydiin leh. Maxamuud in ay ka tahay aqoon iyo in aanu dareemayn dhibta Meesha taal ayaanan kala garanayn. Ummadda balaadhan ayuu u yahay masuul ubadkoodiina uu ku tumanayaa xuquuqdooda, middaas u malayn mayo in uu ku badbaadayo karaamo ahaan iyo damiir ahaan ba.

Mar aanu waraysanay xubno qoyska ah oo waydinay arrinka Sacad, waa ay ka gaabsadeen, waxayse aad ugu mahadnaqayaan, wasiir Xagla Toosiye iyo Agaasimaha Caafimaadka Saleebaan Jaamac, waxa ay mahad balaadhan u soo gudbiyeen madaxweynaha qaranka oo wiilka cusbitaalka ku soo booqday, waxay se leeyihiin Madaxweyne amarkaagii ma fulin ee maxaa qaldan.

 

 

 

 

Berberatoday.com/net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews