Masuuliyiinta Xarumaha Warbaahinta Hargeysa Iyo Suxufiiyinta Magalaadaas Oo Maanta Kulan Deg Deg Ah La Iskugu Yeedhay Iyo Cida Kulankaas Qabanaysa
April 9, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guud ahaan saxaafada ka hawl gasha Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa
ayaa waxaa maanta la isku yeedhay kulan qado ah oo ka dhici doona Hotel Maansoor.
Kulankan qadada ah ayaa waxaa martiqaadkeeda fidisay wasaarada arimaha dibada Somaliland gaar ahaan wasiirka wasaaradaasi Muddane Sacad Cali Shire .
Kulankan qadada ay xogo aanu helayno waxaa ay sheegayaan in lagaga wada hadali doono wasaarada oo ku soo bandhigi doonta qorshayaasheeda iyo sida ay shaqada iibeynta magaca Somaliland u wado .