Arrimaha Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Kulmiye Mudane Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Kaga Duwan Labada Musharexe Kale, Qalinkii Garyaqaan Muxiyadiin Mohamed Abdi
April 10, 2017 - Written by Berbera Today
Salamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Hawl-Wadeenada Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Mudan Bacdal Salaan, Waxa Qalinka Igu Kalifay Maanta Inaan Qalinka Qaato Arrimaha Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Kulmiye Mudane Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Kaga Duwan Labada Musharexe Kale, Dadka Ka Faalooda Arrimaha Siyaasadda Waxay Sheegayaan In Musharaxa Madaxweynimoee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Uu Haysto Kalsoonida Shacabka Reer Somaliland , Hadaad Eegto Taageerada Balaadhan Ee Maalin-Ba Maalinta Ka Danbaysa Uu Kasbanayo Mudane Muuse Biixi Cabdi , Waxa Ku Tusaysaa Inuu Aqlabiyada Ka Helayo Doorashooyinka December Ee Sanadka 2017 Ka Dhacaysa Dalka Uu Ku Guuleysanayo Cod Aqalbiyada Leh