Xildhibaan Guurti Ah Oo Ka Digay In Mus-danbeed Loo Sameeyo Guddiga Doorashada
April 10, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka tirsan ayaa ka hadlay shuban biyoodka ka dilaacay deegaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan Deegaanada Buuhoodle ilaa Widh-widh, ee dadka qaar u dhinteen, waxaanu sheegay in aan la daawan ee sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto, si aanu cudurkani u sii fidin.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Guddida Mus-dabeedka ee la sheegay in Komishanka loo magacaabayo, waxaanu xusay in haddii Guddidan la magacaabo ay ka dhigan tahay in Komishankii la kala dirayo, waxaanu yidhi ugu horeyn “Jiida Buhoodle ilaa Widh-widh waxa ka dilaacay Shuban Biyood, oo ka mid ah cudurada ugu halista badan, uguna khatarta badan, dad wey ku dhinteen, dadna uu hayaa, ee maaha in la daawado, oo la sugo inta uu Shuban biyoodku faafayo, kuna dhacayo dad iyo deegaano aanu wali gaadhin ee waxa haboon in hadda laga hor tago, oo la daweeyo dadka uu hadda hayo, si aanu u sii fidin”.