|
berberatoday.com
War Culus:-Marwoda Madaxweyne Siilaanyo Oo Weerar Axmaqnimo Ah Ku Qaaday Guriga Ay Magaalada Hargeysa Ka Degantahay Hooyadii Fanka Soomaaliyeed Shamis Aborka “Guduuda Carwo ” + Adeegsiga Cududa Ciidanka Iyo Cagafyada + Magaca Masuul Ku Sheeg Aflagaadu Kula Kacay Hooyadii Fanka Shamis + Sawirro
April 11, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa (Berberatoday.com)- Hooyadii Fanka ummadda Soomaaliyeed Shamis Abokr Guduuda Carwo oo ku nool magaalada Hargeysa, isla markaana ay gabow iyo xanuuno haleelaan, ayaa saaka waxa lagu soo qaaday Guriga ay ka degentahay magaalada Hargeysa weerar waxash-nimo ah oo ay soo abaabushay Marwada Madaxweyne Siilaanyo Aamina Waris, iyadoo adeegsanay awoodii dowlada Somaliland ee ciidanka booliska Somaliland iyo gadiidkii Cagafyada loo yaqaan.
Weerarkan oo saaka waaberigii hore lagu soo qaaday guriga Hooyadii Fanka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid loo adeegsatay gaadiidka Cagafyada dowlada Hoose ee Hargeysa iyo cutubyo ciidanka Booliska Somaliland ah, kuwaas oo si wax-shinimo ah oo aan ixtiraam lahayn Guriga Hooyada Fanka Shamis Abokor “Guduuda Carwo ” u dumiyay qayb ka mid ah, isla markaana dhulka la samey wajhada hore ee Guriga Hooyo Shamis, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay 20-sano in ka badan ay guriga degenayd,kaasi oo la sheegay in gurigan la dhisay xiligii dowladii Siyaad Barre.
Ninkii hoggaaminayey weerarkan wax-shinamada ah ee lagu soo qaadey Hoyga Hooyadii Fanka Soomaliyeed ayaa lagu sheeegay Magaciisa Ismaaciil ,isla markaana la xusey inuu ka hawlgalo Dowlada Hoose ee Hargeysa, waxanu kula kacay haddalo aflagaado ah isagoo hooyada fanka ku tiraabay weedhahan, “Adeer haku dhimato ee iskadaa, maxay taraysay,waanu ku duminaynaa haku dhimatee “Ayuu ku yidhi ninka lagu magacaabo ismaaciil ee kooxdan weerarka soo qaadey hoggaaminaayey.
Dhanka kale Ujeedada weerarkan ay Marwo Aamina Waris soo abaabushay ee guriga Hooyada Fanka Soomaaliyeed iyo guryo kale lagu soo weeraray ayaa ahaa mid ay Marwo Aamina Waris ku doonayso in ay jid weyn oo waafi ah ugu samaysanayo guri weyn oo huteel ah , kaasi oo dhawaan uu dhismihiisu dhamaaday , waxaana xusid in guriga qasriga ah ay ka qotamisay xaruntii WOMANS. Clup-kii Magaalada Hargeysa.
Xukuumadda Somaliland oo looga baahnaa in ay taakulayso iska margaana ay sharafto hooyadii Fanka Somaliyeed oo qaybo lixaad leh ka soo qaatay horumarinka dalka iyo halgankii qaadhaadh ee gumaystihii ingriiska, ayaa waxa wax laga xumado ah in gurigii ay ku noolayd lagu dumiyo , isla markaana lagula kaco aflagaado qaawan.
Geesta kalena Hooyadii Fanka Soomaaliyeed oo aan goordhawey ku booqday guriga lagu dumiyey ayaa aan awoodin in ay haddasho, iyadoo ay shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa si weyn uga xumadeeen talaabada lagula kacay hooyadii fanka Soomaaliyeed Shamis Abokor “Guduuda Carwo”
Ugu Damnayntii Hooyadii Fanka Soomaliyeed Maamo Shamis Abokor “Gudduuda Carwo” oo si weyn looga yaqaan Gayiga Soomalidu degto iyo guud ahaaanba Caalamka,iyadoo doorweyn ka soo qaadatay xorriyadii ay Somaliland ka qaatay isticmaarkii ingiriiska 1960-kii., ayaa xukuumadda Somaliland waxay ugu abaal-guday halkii laga filaayey in ay daryeesho waxa Madaxwayne Siilaanyo Afadiisu ay ugu abaal gudey in ay Gurigeedii galiso Cagaf-Cagaf iyo Ciidan iyada oo ka door bidey Bilicda Qasriga ay ugu talo gashey in ay ka dhigto mid ka mid ah hudheelada ugu qaalisan ee lagu tunto ee ku yaala badhtamaha Magaalada Hargeysa
Ninka Kooxda Weerarka Ku Soo Qaaday Shamis Abakor Hoggaaminayey.

COMMENTS
|