Wasiir Dawlaha Amniga Iyo Taliyaha Booliska Oo Is-hortaagay Fulinta Qaraar Ay Maxkamada Sare Ganacsade Xamaade Ugu Xukuntay Wakiilnimada Shirkada Prime
April 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir Dawlaha Amniga ee wasaarada Daakhiliga Maxamed Muuse Diiriye iyo taliyaha bileyska Cabdilaahi Fadal ayaa is-hortaagay fulitaanka go’aan ay Maxkamada Sare 30/3/2017 ka soo saartay muran u dhexeeyey ganacsade Maxamed Xasan Al-Soomaali (Xamaada) iyo Cabdulkariim Al-Cumar oo ku saabsanaa lahaanshaha shirkadda dhismaha ee Prime & Sultan Ltd iyo cida Somaliland uga wakiil ah.
iyadoo ay maxkamada sare u xukuntay ganacsade Xamaada inuu yahay wakiilka sharciga ah ee shirkaddaasi ku leedahay Somaliland isla markaana uu isagu shirkadaa 50% leeyahay.
Hadaba ku xigeenka Amniga ee Daakhiliga iyo taliyaha bileyska ayaa si badheedh ah uga horyimid go’aankii ay maxkamada sare ka gaadhay dacwadii murankaasi khusaynaysay iyadoo ay labadaas masuul la safteen dhinicii laga xukumay wakiilnimada iyo lahaanshaha shirkadda Prime.
Maxamed Muuse Diiriye iyo Cabdilaahi Fadal oo isticmaalaya awood sharciga baalmarsan ayaa waxay ciidan bileyska ka tirsan dhigeen kaamkii ay hantida shirkadu taalay iyadoo ganacsade Xamaada laga hor joogsaday inuu galo goobtaasi ay hantidiisu ku xaraysnayd balse galitaankii kaamka loo fasaxay Cabdulkariim Al-Cumar oo ah dhincii uu xukunku ku dhacay.