Wasiir Maxamud Xaashi, Wajiyada Cusub Ee Siyaasadiisa Taariikhdiisa Ku Aadan Asbaabihii Dib Uga Soo Noqoshadiisa Halgankii SNM Iyo Aqbalaada Amarkii Dambe…
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qormooyinka taxanaha ah ee ku Jiheysnaa Wajiyada Siyaasadiisa Cusub ee Wakhti xaadirkan,oo u muuqata mid aan si dhayal ah lagu maleyn Karin islamarkaana,aan lagaga Tusaale qaadan Karin khubadihiisa Af-gobaadsiga ah ee kalidii ku kooban kuwaas oo uu ku dhalan habaabinayo Xisbiga Kulmiye iyo rajooyinka uu ka damacsan yahey qeybihii aynu hore usoo qaadaney oo aynu daaha kaga rogney arimo badan oo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi khaas u ah,waxeynu qormadan ku eegi doonaa Taariikhda ku aadan asbaabihii dib uga soo noqoshadiisa ee halgankii SNM iyo wada shaqeyntii dhex martey isaga iyo Dawladii Siyaad Barre arimhii ay kawada shaqeeyeen Xiligaasi.
Arinta ku wajahan Taariikhda dhabta ah,ee uu abaarey Wasiirka Madaxtooyada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Wakhtigii uu dib uga soo noqdey Halgankii SNM oo aanu wakhti badan siiney sidii aanu xogteeda dhabta ah usoo heli laheyn islamarkaana aanu kasoo xogwareysaney Shakhsiyaad badan oo xogogaal u ahaa sidii uu isugu soo dhiibey Dawlladii Siyaad Bare iyo hawshii khusuusiga aheyd ee uu ajiibey,waxa uu Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,ka furtey Meherad kooban oo aheyd Tukaan yar oo gabaad iyo god,good u noqdey waxa siweyn isaga ilaalin jirey xiligaasi Dad badan oo Mujaahidiinta Snm kala shaqeyn jirey gudaha,iyadoo ay jireen shakhsiyaad badan oo si aad ah isaga ilaalin jirey dhaqdhaqaaqiisa Xoogan eek u aadaanaa cid kasta oo uu ku ogaa in ay raad ku leeyihiin Ururkii SNM.