berberatoday.com
Wasiir Maxamuud Xaashi Masuul Tunka U Ritay Awoodihii Iyo Shaqooyinkii Xafiiska Madaxwayne Ku-xigeenka, Afhayeenka Madaxtooyada Iyo La-taliyaasha Madaxwaynaha+Is casilaada C/laahi Jawaan
April 14, 2017 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Ka dib guushii xisbiga Kulmiye ku guulaystay talada dalka,waxay shacabka Somaliland ku sunteen masuul ka tagay raad qabyaaladeed oo sahayan kara mustaqbalka madaxwayneyaasha ku danbayn doona kursiga Aakhirka ah ee xiligan galabta joogta maadaama kursiga uu kaga tagayo madaxwayne Silaanyo nidaam qabyaaladeed oo qaangaadh ah taasi oo ay markhaati u tahay in uu madaxwayne Silaanyo noqday madaxwaynihii u horeeyay Somaliland ee golihiisa xukuumada u kala abtiriya isaga oo dabeecad ka dhigay in aan la badali Karin afarta wasiir ee ay isku beesha yihiin halka uu siiyay awoodo ay iyagu ku badali karaan wasiir la awooda oo macneheegu yahay wasiir wasiir badala.

Sidoo kale madaxwayne Silaanyo waxa uu ka tagay dabeecada odhanaysa in waiirka madaxtooyadu noqdo wasiir isaga ay isku hayb yihiin oo ay dhamaan hoos tagaan awoodaha qaranku taas oo meesha ka saartay dhamaan mansabkii iyo maamuuskii uu lahaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ku yimid kursiga codka shacabka Somaliland balse nasiib u yeeshay in xafiiska uu kaga awood badnaado wasiir ay isku hayb yihiin madaxwaynaha waxaanay tani keentay in tiraba dhawr jeer uu xafiiska ka dudo Saylici balse ilaa hada waxa uu madaxwayne ku xigeenka Somaliland uga daba fadhiistaa Shaqada loo igmaday wasiirka madaxtooyada oo ay isku hayb yihiin madaxwaynaha. Dhinaca kale dhamaan la taliyayaasha madaxwaynaha Somaliland ayaa tan iyo intii uu talada dalka ku guulaystay madaxwayne Silaanyo ayaan haba yaraatee wax xafiis ah aan fadhiisanin iyada oo taasi ay keentay in uu xuurtaysto shaqadoodii iyo awoodohoogiiba wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo adeegsanaya nidaam adeernimo oo uu ka tirsanayo madaxwaynaha,waxaanay tani keentay in uu xilkii uu hayay la taliyaha arimaha doorashooyinka madaxwaynaha C/laahi Jawaan uu iska casilo xilkii uu hayay isaga hore u sheegay in mudo dheer aanay is arag madaxwayne Silaanyo oo uu kaga gudban yahay wasiir Maxamuud Xaashi balse markii dhag jalaq loo siin waayay uu xilkii iska casilay isaga oo saxafada u sheegay in uu jiro raysal wasaare dadban oo ay dhamaan kuyuu u soo galaan 70 ka wasiir ee golaha wasiirada. Kuma koobna intaas oo kaliya ee waxa uu Wasiir Maxamuud Xaashi xuurtaystay dhamaan awoodihii u lahaa Afhayeenka madaxtooyadu isaga oo si badheedha uga hoos saaray qaybtii saxaafada oo sharciyan ah xafiis hoostaga Xafiiska Afhayeenka madaxwaynaha balse uu isagu hoosgeeyay wasaarada madaxtooyada isaga oo ku xumaynaya Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Eng.Xuseen Dayr ooh ore uga tirsanayay in uu wasiir maxamuud xaashi ka qaado mudo gaaban wasiirka ganacsiga, waxaanay dhamaan masuuliyiinta haayadaha madaxtooyadu niyad jab ka qaadeen shaqadii qaranka ee uu u igmaday madaxwaynuhu. Wasiir Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu qayb ka yahay hadba isku shaandhaynaha uu sameeyo madaxwayne Silaanyo isaga oo kaga aar goosta xil ka qaadis dhamaan wasiirada ay isku faaca yihiin ee golaha wasiirada taas oo ay tusaale u tahay xil ka qaadistii lagula kacay wasiirkii wasaarada biyaha ka dib markii agaasimihiisii uu ku sameeyay shaqo joojin balse wasiir Maxamuud Xaashi oo ay isku jufo yihiin agaasimuhu uu xaga hore kaga soo daray isku shaandhaynta sidaasna uu xilkii ku waayay wasiirkii biayaha Mudane Baashe Cali Jaamac. Dhamaan ficiladan Siqiiriyay sharaftii iyo karaamadii uu lahaa madaxwayne Silaanyo ee uu ku kacay wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa noqonasa baro madaw oo galbinaya mudo xileedka gabalkiisu dhaw yahay kaas oo sahayan kara dhamaan wixii uu madaxwayne Silaanyo Qabtay mudadii uu joogay kursiga.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews