Xaaladda Abaarta Oo Sii Adkaanaysa, Marxuum Harraad U Geeriyooday Oo Shalay La Aasay Iyo Qaylo-dhaanta Ka Soo Yeeshaysa Waayeelka
April 14, 2017 - Written by Berbera Today
Saraar(Berberatoday.com0-Waxa isa soo taraya Dadka Gobollada bariga ugu Geeriyoonaya Harraadka iyo Gaajada ka dhashay Abaarta Ba’an ee halkaasi ka jirta iyo weliba Xanuunnada Nafaqo-darradu ka midka tahay ee ka dhashay.

Deegaannada Dadku ugu Geeriyoodeen Harraadka iyo Gaajada waxa ka mid ah Deegaanka Higlada oo ka mid ah Gobolka Saraar, kaasi oo kulmiyey Dad badan oo reer Guuraa ahaa, balse markii Xoolihii ka dhamaadeen halkaasi nolol soo biday. Laakiin waxa Doraad halkaasi lagu aasay Marxuum Waayeel ahaa oo sida la sheegay u Geeriyooday Harraad iyo Baahi darteed, sida uu ku warramay Telefiishanka HCTV oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay.