Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan Isku Yeedhay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen+Sawiro
April 15, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa waxaa ay maanta kulan la yeesheen saddexda xisbi qaran

Kominshan ayaa waxaa ay saddexda xisbi u soo bandhigeen hawlaha kaadhbixinta ka bilaabmi doonta Gobolada Awdal, Saaxil iyo 12ka goobood ee xeebaha Gobolka sanaag dhamaadka bishan.
Guddida doorashooyinka ayaa waxaa ay u kala bixi doonan maalinta bari ah labada Gobol ee Awdal iyo Saaxil waxaana ay komishanku u soo gudbiyeen saddexda xisbi qaran sida ay hawshu u bilaabmayso iyo gobal kasta xubnaha Guddida ee ku qoran ama ka hawl gali doona.