Fanaan Caana Oo Kasoo Jeeda Jufada Hoose Ee Madaxweyne Siilanyo Oo Xisbiga Waddani Utilmaamay Qaabkuu Ku Hanan Karo Hogaaminta Iyo Talada Dalka Isaga Oo Soo Qaatay Guuldaradii Xisbigii Udub Iyo Sidii Lagaga Adkaaday
April 16, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fanaanka Caanka ah ee Maxamud Xuseen Halwed ayaa tilmaamo iyo hogo tusaalayn guusha Hogaaminta dalka Uhorseedi Kara Xisbiga wadani Utilmaamay, isaga oo Fananku soo qaatay qaabka lagaga guulaystay xisbigii Udub Doorashadii 2010kii iyo Siro qarsoonaa oo Fanaanku Kashifay kuwaas oo Xisbiga Kulmiye kaga Guulaystay xisbigaas Udub ee ahaa Aabaha Xisbiyada Somaliland oo gabi ahaanba Saaxada Siyaasada Ka Baxay.
2- In Mucaarad Dhab Ah Oo Mucaarad Nimadiisu Kal Iyo Laab Tahay Ka Hor Yimaado Oo Ahaa Xisbiga Kulmiye
Hadaba Xukuumada Kulmiye Ee Talada Haysa Labadaa Arimood Ee Udub Ku Dhacday Mid Ka Mida Dhabtay Ku Haysataa . Taas Oo Ah Mudo Kordhin Iyo Umadii Oo Qanac Iyo Quus Ka Joogta
Lakiin Waxa Kulmiye Niyadiisa Sii Beeraya
Oo Ahmiyad Iyo Rajo Sii Gelisay
In Aanu Wakhti Xaadirkan Jirin Xisbi Mucaarad Dhab Ah Oo Ka Riixan Kara Booska Loo Tartamayee ah Talada Wadanka
Hadaba Waxaan Leeyahay Xisbiga Wadani Ee Aan Taageero . Mucaarid Nimadiinu Ha Noqota Ama Haw Ekaato
Tii Uu Kulmiye Ahaa 2009