berberatoday.com
Puntland Oo Sheegtay Inay Sida Al-shabaab Ula Macaamilayso Urur-diimeedka Saadicuunna Bil-xaq
April 16, 2017 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Kulan Shalay ka dhacay magaalada Garowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa lagaga dhawaaqay in Puntland dagaal la galayso  urur-diimeedka Saadicuuna Bil-xaq oo dhawaan lagaga dhawaaqay Dalalka Soomaaliya, Somaliland, Masar, Algeria, Kuwait iyo Liibiya.

Warka Puntland

Waxaa ka soo qayb-galay kulankan maamulka gobolka Nugaal ee Puntland, taliyeyaasha ciidamada amniga Puntland oo ay ku jiraan kuwa qaabilsan la dagaalanka argagaxisada iyo madax sar-sare oo ka tirsan maamulkaasi.

“Gobolka Nugaal waxaa laga mamnuucay urur-diimeedka Takfiir iyo kan hadda la magac baxay ‘Saadicuun-bilxaq’, laakin annagu aanu u naqaanno “Al-saariquuna bilxaq”  kuwii xaq-qa xaday  ” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne, waxaanu intaa ku daray “Alsaariquuna Bilxaq’ waxa uu kamid noqonayaa kooxaha ay dagaalka kula jirto Puntland sida Al-shabaab iyo Daacish, waxaana shacabka laga codsanayaa in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka,  soona sheegaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxdan.”

Waxa uu Faraweyne sheegay in laanta la dagaalanka argagaxisada Puntland amar lagu siiyay in ay soo qab-qabtaan cid kasta oo ka tirsan kooxda “Saadicuun bilxaq”,waxaana uu sheegay in Garowe ay mamnuuc ka tahay in lagaga dhawaaqo koox diimeed aan sharciga waafaqsanayn.

Ugu danbayn, ururkan oo laba garab u qaybsan ayaa mid kamid ah xaruntiisu ay tahay degmada Qardho ee Puntland, waxaana ololaha lagu qab-qabanayo xubnaha ka tirsan Ururkan hore ugu dhawaaqday Somaliland, iyadoo toddobaadkii hore Hargeysa lagu xidh-xidhay 3 Xubnood oo kooxdaa ka mid ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews