“Diintu Khamiisyo Cadcad Ma Aha…….”Cali-Gurey
April 17, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo katirsan xisbiga muxaaridka ah ee KULMIYE, ayaa si kooban uga hadlay muranka diineed iyo firqooyinka iska soo horjeeda ee waayadan dambe dhulka muslimiinta, gaar ahaan geyiga Soomaalidu degto kasoo cusboonaaday.
Siyaasi Cali oo qoraal kooban oo uu arrintan kaga hadlayo soo dhigay fartiisa Facebook-gga, ayaa tilmaamay in la gaadhay waqtigii ay muslimiinta sunniga ahi taladooda meel uga leexin lahaayeen kooxaha ujeeddadoodu tahay inay diinta macaash aduunyo ku helaan ee habowga u horseedaya umadda muslimiinta ah.