berberatoday.com
“Gudida Kommishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Waxay Ku Dhaarteen Kitaabka Quraanka, Markaas Waxa Fiican Inaynu Ku Aamino Shaqada Ay Udhaarteen.W/Q Cali Kubad
April 17, 2017 - Written by Berbera Today

Gudida Kommishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland waxay ku dhaarteen kitaabka Quraanka, markaas waxa fiican inaynu ku aamino shaqada ay u dhaarteen. Somaliland waxa ka jirta shaqo la’aan, waxa kale oo jira dad xil jecel oo ku hinaasaysan ama xaasid ku ah GKDQ, oo isla markaas dacaayado rakhiis ah la daba jooga Kommishanka Qaranka. Markaanu Kommishanka ahayn waxaanu si gaar ah ula kulanay madaxweynihii hore mudane Rayaale toban jeer in ka badan, annagoo kala hadli jirney arrimaha doorashada Madaxweynaha( 26 June, 2010). Intaas oo jeer oo aanu la kulanay madaxweynaha iyo annaga cid kale nama ay wehelin jirin (xooghayena ha ahaatee). Maadama ay xukuumadu ka masuul tahay qayb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada, oo hadana ka masuul tahay amniga iyo ciidamada ilaalinaya xasiloonida maalinta doorasahada, waxa laga maarmaar ah in si gaar loo la kulmo. Markaas belaayo ma jirto haddii kommmishanku uu madaxtooyada tago.

Hadaba mar labaad iyo mar saddexaadba, waxaan ku boorin lahaa shacbiga reer Somaliland, inay Kommishanka siiyaan kalsooni buuxda maadaama ay kitaabkii Ilaahay innoogu dhaarteen. Doorashadii madaxweynaha 2010 ka hor shacbiga reer Somaliland waxay nasiiyeen kalsooni buuxda oo waxaanu ahayn duca qabayaal iyo halyeyo (like rock stars) dalka badbaadinaya, haseyeeshee doorashadii kadib waxa dagaal nagu bilaabay wasiiro ka mid ahaa wasiiradii ugu tunka weynaa xukuumada Siilaanyo. Waxay nagu dul abuureen oo shaqooyinka ay kommishinada adduunku gaar u leeyihiin siiyeen (iyagoo annaga nagu xumaynaya) gudi kale oo ah “gudida diiwaan gelinta xisbiyada”. Markii danbe ee waqtigayagii 5ta sannadood ahaa soo dhamaanayeyna waxuu wasiirkii hore ee madaxtooyadu afar naga mid ah kusoo eedeeyey inay dhalasho ahaan, abtinimo ahaan, iyo xididnimo ahaanba yihiin xisbiga Waddani, oo sidaas awgeed nalagu aamini karin doorashada madaxweynaha. Xitaa doorashadii degaanka oo aanu khaladka qayb ku lahayn, waxa iyana khaladka ugu weyn lahaa ama galay wasiiro dano gaar ah ka lahaa doorashada, oo uu midkood daaha dabadiisa ka hagayey oo lahaa ururkii Nasiye, wasiiro kale waxay kasoo hor jeedeen shaqsiyaadka ay ka mid yihiin Dr. Gaboose iyo mujaahid Xasan Ciise. Wasiirada qaarkoodna waxay lahaayeen oo madaxweyne Siilaanyo laga dhaadhicinayey gudoomiye Cirro ayaa innooga ilka qabow mundane Gaboose. Isku soo wada duuboo, dhaawac weyn baa Kommishan ahaan nooga yimi wasiiradii xukuumada ugu tunka weynaa waqti ay doorashada degaanku dhacaysey, markaas baa shacbigiina nasii nacay. Sidaas baanu nimankaygii duca qabayaasha ahaa mar keli ah u noqonay fadarayaal iyo habaar qabayaal ( from hero to zero). Waxaanu is lahayn xukumada iska fogeeya si la idiinku arko dhexdhexaad, wasiirada qaarna waxay doonayeen inay cagtooda na hoos geliyaan si aanu ugu hamrano. Markaas way fiican tahay inuu Kommishanku xidhiidh fiican la yeesho xukuumada oo la kulmo waqtiyada loo baahdo, laakiin waxa muhiim ah inaanay Kommishanku luminin dhexdhexaad nimadii, oo aanay ku milmin xukuumada si u ilaaliyaan dhexdhexaadnimadii ay kutubka Quraanka kariimka ugu dhaarteen.

Waxaan kusoo afmeerayaa, waxa jirta hees tidhaahda ” in kastuu nin geesi ah rag u geed adayg yahay, hadaan garabka lala qaban guri oodi maayo”. Aynu Kommishanka is garab taagno oo aamino ilayn kitaabkii Ilaahay bay ku dhaarteene. Xisbiyada mucaaridka ahi waxooda way ilaashan karaan, xaqna way u leeyihiin inuu Kommishanku la socod siiyo dadka goobaha laga codaynaya maraaqibiinta xisbiyada u fadhiyi ka noqon doona iyo habka loo soo xulayo. Kommishankana waxa looga fadhiyaa inay qabtaan doorasho xor iyo xalaalba ah si aanay majarihii iyo himiladii dalku u lumin. Laakiin waxa innagu ceeb ah inaynu xagxagano oo niyad jab iyo cay aanay geyin kula dul kufno GKDQ. Gudida Doorashooyinka qaranku uma baahna musdanbeed, oo uma baahna aflagaado, ee waxay u baahan yihiin taagerada ummada shacbiga reer Somaliland. Waayo, haday isla helaan taagerada shacbiga iyo daacadnimo iyo walaalnimo ay iyagu gudahooda kuwada shaqeeyaan, waxa innoo dhici doonta in’sha’Allahu doorasho qurux badan.

Source:

Alikhadar H Osman(Cali Kubad)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews