Maxaad Ka Ogtahay Taariikha Guunka Ah Ee Degmada Laasqoray Iyo Magacii Waayadii Hore La Odhan Jiray Xigasho Qore , C/casiis Maxamud
April 17, 2017 - Written by Berbera Today
Ujeedka qoraalkan waa is xusuusin iyo is dareensiin uun , taarikhadii soo jireenka ahayd ee laas-qoray. ( Laas-qoray oo hore loo oran jirey Bandar-qori ).
Laas-qoray waa magaalo xeebeed da, weyn oo ku taal gobolka sanaag, leh marso fac weyn waxayna xarun u ahaan jirtey saldanadda warsangeli oo ilaa hadda ka arimisa deegaankaas , saldanadaasina waxay ka mid tahay kuwa ugu taariikhada dheer dhulka soomalida , waxay soo tax-nayd toddoba iyo labadan fac.
Magaalada laasqoray waxa asaasay Al-sheikh Cali Maxamud Nuux oo ka soo jeeda beesha ugaaslabe , wuxuuna asaasay magaaladaas sannadkii 1735kii oo miilaadi ah, dhismihii ugu horreeyey ee uu ka dhisay waxaa loo bixiyey ( Shurka ) iyo Masjid lagu tukado ilaa manta , oo loo yaqaan Masjidul Saxaaba , wuxuuna ka abuuray halkaas ganacsi ku xidhan Ardul-Sawaaxil , Jasiiradda Zinzibaar, Gacanka Carbeed iyo Hindiya .
Waqtigaas waxaa la adeegsan jirey doonyo shiraacle, oo isaga goosha wadanadaa aan kor ku soo sheegay , waxa xoolaha nool , hargaha , xabagta , beeyada , iyo baalka goroyada la dhaafsan jirey dharka bunka , burka , bariiska i.w.m , waxaana la xoojin jirey waqtigaas arrimaha la xidhiidha diinta iyo dhaqanka , waxaana la iska kaashan jirey difaaca xeebaha boqortooyada iyo ganacsiga ku xidhan.
27.jan.1886 Waxaa heshiis wada galay boqortooyada ingiriiska oo uu wakiil ka yahay F.M.Hunter ( J.H. Rainter , commander ,R.N. ) iyo saddex iyo toban oday oo markaa laas-qoray joogay iyo garaadkii guud Muhamad Mahamud, heshiiskaa oo ku saabsanaa in la badbaadiyo maraakiibta boqortooyada ingiriiska oo ku xumata xeebaha warsangali iyo in aan warsangeli dawlado kale heshiis dhulkooda ku saabsan la geli Karin .
17.agoos.1912 markab dagaal oo ciidamo ingiriis ahaa wateen baa ku soo xidhtay marsada laasqoray, ninkii ciidamada ingiriiska watey ayaa markabkii ka soo degay , waxa uuna markiiba codsaday in uu la kulmo suldaankii wersangali , Suldan Cali Shire oo markaas ahaa nin aad u da, weyn iyo odayaashii cuqaasha ( chiefs ) ahaa ee magaalada , hase ahaatee waxaa loo sheegay in uu sugo Suldanka wiilkiisii ( Maxamud Cali Shire ) oo markaas miyiga ku maqnaa.
Maxamud cali shire oo waqtigaasba xilka suldaanimada qaybtiisa hayey , waxaa ninkii ingiriiska ahaa loo sheegay in uu maalin ka dib magaalada ku soo noqon doono.
Ingiriisku wuxuu la galay saldanada wersangali heshiis nabadeed oo u aqoonsatay in ay yihiin dad xornimadooda iyo maamulkooda u madax-banaan.
May , 1920 suldan maxamud cali shire ayaaa ingiriisku u masaafuriyey jasiiradda sycheles , May,1928 suldaanka ayaa ka soo noqoday musaafiriskii uu ku joogey jasiiradda seycheles , suldaanku intii uu seycheles joogay waxa uu ku guursaday gabadh waddankaas u dhalatay , waxayna u dhashay wiil iyo gabadh.
Suldanka markuu laas-qoray ku soo laabtay , waxa ingiriisku u oggolaaday in awooddiisii suldanimo dib u soo ceshado .
Waxaa kale oo ingiriisku u muujiyey ixtiraam , markasta oo ay suurto gal tahayna , waxaa maamulkii ingiriiku qaban qaabin jirey in suldaanku la kulmo xubnaha boqortooyadii ingiriiska .
Suldanka waxaa markii dambe ingiriisku ku magcaabay inuu yahay sarkaal ka tirsan boqortooyadii ingiriiska ( officer of british empire ) , iyo hormudka saldanadaha Somaliland oo dhan ( dean ) .
1960 suldankii ayaa ku dhintay cerigaabo , waxaa lagu aasay xubeera , suldanka waxaa da,diisu lagu qiyaasay in uu ahaa 85 sano.
Gabaykan waxaa tiriyey Xasan Xayle wuxuu yidhi: Cishadaan ka degay laas-qorqy baa cabatay dhawr jeere :
1. Waxay tidhi : ciddaan ku camirnaa ciida laga waaye.
2. Waxay tidhi : carruurtii aan dhalay bey cadan u dhoofsheene .
3. Waxay tidhi : goodiga berbera iyo burco bey cimidh u joogaane .
4. Waxay tidh : cidlaa looga tegey daarihii cidhifka dheeraye .
5. Waxay tidhi : sidan cunayo baa layga cawdsadaye.
6. Waxay tidhi : cirooluhuna waa iga caraabaye.
7. Waxay tidhi : caddiin iyo baruur , caano iyo roob , carfigaan la haan jiray ilaah way ku soo celine mar uun baa cagaha laygu iman caashaq lay yahaye.
Xigasho Qore , C/casiis Maxamud Abdiaziz Guribar