Fanaanka Maxamud Xuseen Halwed Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Lacago Loogu Soo Yaboohay Qoyskii Uu ka Geeriyooday Marxuum Qaasin Yuusuf Xaaji Axmed Oo Xalada Abaarta Awgeed Isu Daldalay
April 18, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fanaanka Caanka ah ee Maxamud Xuseen Halwed ayaa Lacago Caawimo ah oo lagu soo hagaajiyay oo dad qurajoogi usoo direen Gaadhsiin Doona Qoyskii uu Ka Geeriyooday Marxuum Qaasin Yuusuf Xaaji Axmed dhawaan Isku Daldalay Agagaarka Tuulada Higlo ee Gobolka Saraar Xaalada abaarta Awgeed.
Waxaanu Fanaan Maxamud Xuseen Halwed uu faahfaahin dheeraada ka bixiyay Lacagahaas qoyskaas loogu soo hagaajiyay iyo dadka soo kala diray oo qurbaha ku nool Waxaanu Yidhi”
Xaaskii Iyo Caruurtii Uu Ka Geeryooday
Qaasin Yuusuf Xaaji Axmed Oo Dhawaan Isku Deldelay Tuulada Higlo Ee Gobolka Saraar
Reerkaa Waxa La Keenay Burco . Iyadoo Weliba Gabadha Iyo Ilmo Yar Ay Xanuunsanayaan . Waxaa Loo Furay account Lagu Caawinayo Reerkaa Abaarta Iyo gaajada Iyo Weliba Geeridu Soo Food Saartay
Aniga Laftaydu Waxaan U Hayaa Oo Laygu Soo Diray Qoskaa Lacag Dhan
Waxan ka hayaa lacag dhan
250$
Farxaan axmed farax oo 50$ ah oo jooga ( farance )
Iyo said Ali Said oo 100$ ah
Oo jooga ( USA )
IYO
Cabdixakiim cismaan aadan
Oo 100$ ah oo jooga ( UK )
Lacagtaas oo dhan 250$
Lacagtaa Oo Aan Beri insha allaa ku shubi Doono Accountkaa Ilama Qaasin Yusuf Axmed
Halloo Gurmado Caruurtaa Iyo Xaaskaa ilnta Iminka Isu Xilqaantayna Ilaahay Haka Abaal mariyo
Wixii Faahfaahina Waxaad Ka Helaysaan
Tel 00252634326345 Khadar YUSUF Samatar Oo Ah Ehelka Marxuunka Waana Ragii Burco Keenay Qoyska