Taliyaha oo la waydiiyey waxa dhallinyarada Dagaalku dhex maray isku adeegsadeen, ayaa ku jawaabay “Rasaas maaha (Waxa Dhimashada iyo dhaawaca sababay) ee waa Faashashkii iyo Birihii ay isla dhici jireen ayay Arrintu ahayd.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Booliisku Gacanta ku hayo Dhammaan Ciddii ka qayb-qaadatay Dagaalka labada Kooxood ee dhallinyarada ah dhex maray isla-markaana ay wadaan baadhitaanka Kiiskaasi, “Ciidanka Booliiska oo ogaaday Rabshaddaas ayaa ku baxay,
Dhammaan Ciddii hawshaa ka qayb-gashay Booliisku Gacanta ayuu ku hayaa, wax naga maqanna ma jiraan, kii u dambeeyay saaka (Shalay) ayaanu qabanay, Kiiskana Booliiska ayaa Gacanta ku haya, baadhistiisii-baana socota.”
Weriyeyaasha ku sugan Magaalada Burco, ayaa qaarkood Saadaal aan wanaagsanyan ka bixiyeen in Dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay Rabshadda labada Kooxood ay keeni karto rabshado kale oo Amniga Magaalada saameeya, haddaan Booliisku Gacan adag ku qabanin kiiskan isla-markaana Cid kasta oo isku dayda inay samayso wax ku lug leh Kiisaasi aan Gacanta lagu dhigin oo aan Sharciga lala tiigsanin.