Diyaaradihii Jaadka Muqdisho Keeni Jiray Oo Maanta Ka Dagaya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar
April 20, 2017 - Written by Berbera Today
Jawhar(Berberatoday.com)-Ganacsatada Qaadka ka soo dejin jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta aysan Qaad ka soo dejin doonin Magaalada Muqdisho islamarkaana ay u wareejiyeen Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Mid ka mid ah Ganacsatada Qaadka ayaa sheegay in khilaaf soo kala dhex galay Guddiga Ganacsatada Qaadka iyo Dowladda Federaalka ah uu salka ku haayo gadoodka ay ka sameeyeen.