|
berberatoday.com
Qorshe Mar Sadexaad Mudo Kordhin Loogu Samaynayo Xukumada Madaxweyne Siilanyo Oo La Diyaariyay Iyo Xaalad Deg Deg Ah Oo Dalka Lagalin Doono Si Qorshahaasi Uhirgalo+Madaxweyna Siilanyo….
April 21, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berbera)-Warar Xogogaal ah oo Maragooda wata ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxda Isku Beesha Kasoo jeeda ee Xukunka Dawladnimada Somaliland hogaamiyaa ay wadaan qorshe Mar sadexaad Xukumada Madaxweyne Siilanyo Mudo kordhin kale loogu sameynayo taas oo macneehedu yahay in dalka mudadaas wixii hanti ku hadhay dalka lasii boobo lana dhamaystiro qorshayaal uu kamid yahay kireynta Garoonka diyaaradaha Hargeysa oo shirkad Turkiga oo Lagu magacaabo FAVORI laga kiraynayo.
Qorshaha Mudo Kordhintan oo la waafajinayo Qodobo aan Meelmar ahayn oo la xidhiidha in dlka Xaalad Deg Deg ah la galiyo iyada oo loo xuskanayo abaaraha iyo xanuunada shuban biyoodku ka mid yahay ee dalka ka Jira ayaa waxa qorsheeyay guud ahaan Qoorweynta Xukunka dalka Hogaamiya ha ubadnaadaan Masuuliyiinta Beesha Madaxweyne Siilanyo kasoo jeeda iyo Marwadiisa Aamina Waris oo xukunka dalka Maanta Gacan weyn ku leh.
Qorshahan Mudo Kordhinta ah ayaa waxa cadeeyay oo hadiyo jeerna qorshayaasha Xukumadu Wadatana Loo Dhiibaa oo Bulshada ugudbiyay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo lawada ogaa inay dhaboobeen Hadalo hore uu Warbaahinta uga sheegay oo Xukumadu soo fartay kuwaas oo ay kamid ahaayeen Meelmarintii Jujuubka ahayd ee Kireynta Dekeda Berbera Iyo Sidoo Kale Kireyntii Saldhiga Ciidan ee Dalka Isutaga Imiraatka Carabta laga siiyay Magaalo Xeebeeda Gobolka Saaxil ee Berbera.Waxa kaloo kamida ahaa fariimaha rumoobay ee Xildhibaan Nacnac Madaxtooyada looga soo dhiibay Mudo Kordhinihii Labada ahaa ee Xukumada hore loogu sameeyay.
Mudo kordhinta Hada la Wado ayaa noqonaysa 8 sideed Bilood oo kale taas oo sidii awalba dhaameelka loogu qeybin jiray Goloha guurtida lagu meel marin doono iyada oo Gudoomiye Saleebaan Gaalna qeyb kayahay go,aankan lagu qorsheeyay in Mudo kordhin mar sadexaad loo sameeyo Xukumada Madaxweyne Siilanyo.
Qorshahan ayaa waxa kaloo kamida in Marka Mudo kordhintaas la sameeyo mudo bil gudeheeda uu Madaxweyne Siilanyo Xilka iska Casilo Maadama oo aanu Cafimaad ahaan shaqada sii wadi karin kadibna Madaxweynenimada loo cumaamado Cabdirixmaan Seylici Halka madaxweyne Kuxigeena la qorsheeyay in laga dhigo Xildhibaan Cumar Sanweyne oo kamida Golaha Wakiilada kana soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo sidoo kale ay Ilmaabti ruma yihiin Madaxweyne Siilanyo waana qorshaha dhabta ah ee la go,aamiyay Waxana Cabdiraxmaan Seylici lagu amrayaa inuu xubintaas Cumar Sanweyne ka Codsado golaha Wakiilada in loo ogolaado inuu Madaxweyne Kuxigeeen unoqdo haday tani dhacda waxa ay u eektahay dhaxaltooyo laga dhigtay Kursigii Madaxweynaha ee dalka looga talinaayay iyo Dimuguraadiyadii iyo habkii Somaliland kusoo caana maashay oo la baabi,iyay.
Qorshayaashan ayaa hadiiba ay sidaas udhacaan waxa ay dhabar jab kuyihiin Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo lagu baabi,inayaa Musharaxnimadiisa iyada oo waxaas oo mudo kordhina oo la sameeyay loo aananayon xisbiga uu Gudoomiyaha iyo Musharax ka yahay ee Kulmiye iyo Xukumadiisa Waxaana hoos udhac weyni ku imanayaa kalsoonidii Xisbigaas oo marka hore sii daciifaysay.
Sidoo kale Dacwadaha Lagu oogayo Maayarada Degmooyinka Berbera Iyo Gabilay ayaa waxa hurinaya Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xashi Cabdi oo dagaal qaawan oo aan gabasho lahayn kuhaya Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga Kulmiye oo uu doonayo in Gudoomiyenimadiisa si bilaa shuruud ah loogu wareejiyo inta aanay doorashadu dhicin. sidoo kale Maayarada Dacwada lagu hurinayo ayaa Waxa ay yihiin baalasha uu ku duulo Musharax Muuse Biixi Cabdi ee taageerada iyo Cududa la garab taagan Musharax Muuse Biixi Cabdi Sababta dacwadooda ay xukumadu iyo dadka Madaxtooyada ku xeerani utaageerayaana waa ku xumayntiisa .
Sikasta ha ahaatee qorshahan ayaa la filayaa inuu Maalmaha soo socda cadaan doono iyada oo marka ugu horeysa Xaalad deg deg ah oo dala la galiyo lagu dhawaaqi doono mudo yar kadibna Mudo kordhinta xukumada Golaha guurtida la horgayn doono golhaaasina marka dhaameelkoodii loo qeybiyo ay mudo kordhin 8 sideed bilooda ku duugi doonaan qalanka iyaga oo habka gacan taaga adeegsanaya.
Berberatoday.com
Staff Writer Hargaysa/Somaliland
COMMENTS
|