Xeeldheerayaal Caafimaad Oo Sheegay In Uu Xidhiidh Ka Dhexeeyo Cirrada Madaxa Iyo Wadne Xanuunka
April 21, 2017 - Written by Berbera Today
Qaahira(Berberatoday.com)-Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Al-Qaahira ee dalka Masar ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku ogaaday in uu jiro xidhiidh caafimaad oo ka dhexeeya cirrada timaha madaxa iyo wadne xanuunka oo ka mid ah cudurrada loogu dhimashada badan yahay dunida maanta.
Xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey waxa ay sheegeen in tijaabooyin ay ku sameeyeen rag tiradoodu gaadhayso 545 ay ku ogaadeen in ragga ay cirrada madaxu ku soo degdegtaa ay u badan yihiin kuwa ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga.