Wasaarada Gaashandhiga Dalka Mareykanka Ee Pentagon-Ka Oo Iminka Ku Dhawaaqdey In Dileen
April 22, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegtay in ciidamo Maraykan ahi weerar ay ka fuliyeen dalka Suuriya gudihiisa, ay ku dileen kaaliye aad ugu dhaw hogaamiyaha kooxda la baxday Dawladda Islaamka, Abu Bakr al-Baqdaadi.
Af-hayeen u hadlay Pentagon-ka, John Thomas, ayaa sheegay in Cabduraxmaan al-Uzbeki la dilay lixdii bishan Abriil laakiin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah muu bixin.