berberatoday.com
BAL ISU EEG MIISAANKA SOOYAALKA TAARIIKHEED Ismail ali abokor iyo max’ud haashi abdi
April 24, 2017 - Written by Berbera Today

Aduunyadu waa giraan, waayaheeda iyo xuskeeda leh waxaana mudan in marksta taariikhda dib loo raaco, sanadkii 1974kii dalka waxa ka dhacay Abaar taasi oo loo baxshay DABO-DHEER waxaanay saamaysay dad iyo duunyo labadaba, gud ahaan dadka afka somaliga ku hadlana waxa ay u noqotay sumad tilmaameed oo aan la hilmaami karin,

Dhacdadaasi waxa ka gurmatay dawladii wakhtigaa iyada oo uu hormood u ahaa gurmadkaasi Gen ISMAIL CALI ABOKOR kana mid ahaa shantii xubnood ee goolaha sare ee dawladii somaliya, Gen ISMAIL waxa uu muujiyay wax qabad rasmiya oo midha dhalay maadaama oo uu dadkii tabaalaysnaa uu u raray gobolada koonfureed ee somaliya halkaasi oo ay ka heleen cuno, biyo, hooy, caafimaad, iyo waxbarsho dadkii maalintaa lagurayna waa inta maanta dalka ugu magaca roon ugu aqoonta badan uguna dhaqaalaha badan taasina waxa ay ku heleen gurmad dowladeed iyo dedaalkii iyo kartidii GEN ISMAIL CALI ABOKOR.

Sidoo kale maanta dalka waxa saamaysay ABAAR baahsan oo dad iyo xoolaba ay u ledeen gaar ahaana waxa ay xoog u heshay ABAARTU gobolada bari ee SOMALILAND kuwaasi oo ah kuwii ay xooga u saamaysay DABA-DHEER 1974KII iyada oo ilaahada dadkaa tabaalaysani aanay helin gurmad dowladeed oo ku filan iyo qorshe cad oo xiligan adag lagaga bixi karo ilaa hadana xaalku uu yahay mid sii xumaanaaya.

Iyada oo ay jirto xaaladaa adag ee abaareed dhawaan wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane MAXAMUUD XAASHI CABDI waxa uu casuumad heer saraa ku qabtay hotel GREEN PLAZA isaga oo u jeedadiisu ahayd ismuujin waxaana uu ku faanay in uu XISBIGA KULMIYE uu u joogo BIYO CULUSTA taasi oo uu ku mucneeyay booska ugu mihiimsan ee xisbiga Kulmiye qof u joogo in ay u joogaan isaga iyo MAXAMED KAAHIN goobtaasi uu ku faanaayay casuumadana ku sameeyay waxa ka muuqatay hambadii RAASHINKA wakhtigaasina gobolka SANAAG iyo SARAAR waxa loogu dhimanaayay gaajo iyo haraad, waxa fantasiyaha lagu dhigaayayna hada garoo waa xoolihii umada,

Hadaba akhriste marka aan misayno ama is barbar dhigno
MAXAMUUD XAASHI CABDI iyo GEN. ISMAIL CALI ABOKOR,
Waxa kuu muuqanaysa wax qabadka la mahadiyay ee GEN ISMAIL iyo masuuliyadarada MAXAMUUD XAASHI.
Qofkastaa waxa uu galana waxa sheegaaya sooyaalka taariikheed tusmadanina waa mid taariikhdu sheegtay iyo inta lays dheeryahay.

Aduunyadu waa giraan,
giraan ruuxba meel qabsado
Hawshiisa qofkii gabaa
Gawaan raacbuu noqdaa
Gaajiyo cudur buu mutaayoo
Cidluu ku godoomayaa.

 

Image may contain: 1 person, text
Image may contain: 1 person

Xooghayaha duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee xisbiga waddani
Nuuradiin Ibraahin Aw Abdi
Nuuradiin Diini.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews