Xukuumadda Somaliland Oo Ka Baaqatay Ka Qeyb Galka Shirka Tana Forum Ee Itoobiya Lagu Qabto Oo Ay Ku Kulmaan Madaxweynayaal Badan Oo Afrikaan Ahi
April 24, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka baaqatay inay ka qayb gasho shirka ay ka qayb galaan madaxda qaaradda Afrika ee Tana Forum, kaas oo sannad kasta lagu qabto Itoobiya, doorkana lagu qabtay magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya.

Shirkan oo ah shir muhiim ah, ayaa waxa hore uga qayb geli jiray wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Biixi Yoonis, kaas oo samayn jiray galaan-gal diblomaasiyadeed oo uu madaxda Afrika ugu soo bandhigo qaddiyadda Somaliland. Hase yeeshee sannadkan iyo sannadkii ka horeeyay ee uu xilka ka sii maqnaa ayaanay jirin cid Somaliland shirkaas uga qayb gashay, waxaanu Maxamed Biixi sannadkii 2016 shirkaas ka qayb galay isagoo muwaadin ah oo aan xil dawladeed haynin.