Daawo Muuqalka”Faysal Cali Waraabe Oo Ka Xumaaday Biyo Xidheenka Xunbo Weyne Xukumadana Ku Dhaliilay Inay Biyaha Qaab Bilaa Qorshe Ah Uxidhay Oo Aan Faa,iido Lahayn
April 25, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu dhaliilo u soo jeediyey biyo xidheenka Xumbo Weyne oo laga hir galiyey duleedka magaalada Hargeysa
Gudoomiyaha oo ka qeyb galay xaflad loo sameeyey xadhig ka jarista dhaamkan ayaa waxaa uu sheegay in ilaa hada aanu garaneen wax lagu isticmaali doono biyo xidheenka la sameeyey mar hadii aan Hargeysa laga Waraabin karin , beero gooban laga sameeyey oo laga waraabinayaana aaney Jirin , waxaana uu Faysal Ka digay in caruurta yar yari inaga dhimato inta ay is yidhaahdaan ku dabaasha